Deg Deg: Ciidamada Booliska Oo Imika Xabsiga Dhiigey Masuulin Ka Tirsan Xisbiga Waddani

Date:

Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa goor dhaweyd xabsiga dhaxe ee magaalada Hargeysa u taxaabay Xoghayahii Ciyaaraha Xisbiga WADDANI Md.Yoonis Axmed Yoonis iyo weli ba sida oo kale guddoomayahii garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbigaasi Md.Maxamed Siddiiq Cabdillaahi Dhamme oo ku sugnaa xarunta gobalka ee xisbiga WADDANI uu ku lee yahay magaalada Hargeysa.

Xadhiga labadan sarkaal ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay ka hadleen isla mar ahaantaana ay si adag u cambaareeyeen dhismeyaal ka soo horjeeday guri ay dhisatay Marwada Madaxweynaha Somaliland oo ay u adeegsatay cagafyo isla mar ahaantaana iyada oo adeegsanaysa awood dawladdeed ay burburisay deyrarkii guryahaasi si ay hoteelkaas ugu hesho Baarkin ay u isticmaalaan dadka adeegsanaya hotelkaasi, waxaana isla markii ba labaddaas sarkaal ka wareegay ciidamo aad u tira badan oo wakhti xaadirkan u taxaabay xabsiga dhaxe ee Hargeysa.

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in ciidamada Booliska Somaliland ay iyaga na xabsiga dhigeen tiro saxafiyiin ah oo iyagu na halkaas ku sugnaa kuwaasi oo tebinaayey muharaado ay dadkii guryahaas lahaa kaga soo horjeedeen dhismayaashooda la burburinaayo ee loo adeegsanaayo shaadhka dawladda iyo awooda ciidamada Booliska Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...