Guddoomiyaha wargeyska xukuumaddu xidhay ee Haatuf Md. Yuusuf Cabdi Gaboobe, ayaa eedihii ugu cuslaa u jeediyey wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale, waxana uu ku eedeeyey inuu arrimo musuqmaasuq iyo lunsi hanti dadweynu u tafo-xaydan yahay.
Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ka hadlay xus loo sameeyey sanad-guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay xidhitaanka wargeyska, ayaa tilmaamay inuu wasiirka macdantu deegaanno badan oo dadka ku dhaqan ay dhibaato abaareed haysato uu ka bilaabay mashaqooyin iyo buug uu ugu gabbanayo xatooyada uu xoolaha umadda ku hayo, sida uu hadalka u dhigay, waxana uu yidhi, “Wasaaradda macdanta mashaqooyinka kasoo baxay waa kuwaas maalin walba qarxaya ee dadkii masaakiinta ahaa ee reer guuraaga ahaa lagu eedaynayo inay yihiin reer shidaal baadhista kasoo horjeeda, waana ayaandarro taasi, waxana aanu u aragnaa inay taasi tahay marmarsiinyo uu wasiirka macdantu ku daboolayo musuqmaasuqa weyn ee uu ku jiro iyo dhaca iyo boobka uu ku hayo hantida dalka ee uu kolba xaqul-qalin dibadda la dhigto ka door badiyo.”
Waxa uu guddoomiyuhu su’aal geliyey sababta uu wasiirka macdantu ugu dhololayo shidaal-baadhista xilli cimriga xukuumadda gebogebo yahay, waxana uu sheegay inay ujeeddadiisu tahay sidii uu lacago xaqul-qalin ah oo aan cidina ogayn uga qaadan lahaa shirkado uu heshiisyo qarsoodi ah kula jiro, “Dadkii oo abaaro hayaan ayaa geed geedkii u taagnaa ee ugu dambeeyeyna laga xagaafayaa, markaasaa la odhanayaa shidaal-baadhis baa la samaynayaa, iyada oo xukuumaddii bilo u hadhsan yihiin waa maxay shidaal baadhista uu wasiirka macdantu eryayo ee uu ciidanka gelinayo beelaha nabadda ah ee abaaruhu hayaan, anagu waxanu qabnaa waxa eryayaa waa xaqul-qalinka iyo heshisyada qarsoodiga ah ee uu shirkadaha la gelayo oo ka dhammaanaya oo uu doonayo inuu ka gaadhsiiyo oo uu faraha ku dhigo,” ayuu yidhi Yuusuf Cabdi Gaboobe.
Hadalka Yuusuf Cabdi Gaboobey, ayaa kusoo beegmaya xilli uu wasiirka macdantu ku hawllan yahay arrimo sahaminta shidaalka la xidhiidha oo uu meelo badan oo daka kamid ah ka wado, kuwaas oo ay dadweynaha deegaannadaas ku nooli si weyn uga hor yimaadeen, maadaama aanay wax fikir ah ka haysanin baadhistaas, waxana ay si weyn uga biyo diidsan yihiin dhibaato mashruuca shidaal-baadhistu ku hayo dhirtii ku taallay deegaannadaas.