Somaliland: Guddoomiye Cirro Oo Si Adag Uga Hadley Arrimaha Saldhiga Milateri

“Dunida Lama Arag Xukuumad Iibisa Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Oo Aqalka Iibisa Oo Dhulka Iibisa Oo Garoonka Iibisa Oo Dekadda Iibisa” Murashaxa WADDANI Cabdiraxmaan Cirro,

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi(Cirro), ayaa si adag xukuumadda KULMIYE ugu dhaliilay iibka hantida umadda, gaar ahaan kaabeyaasha dhaqaalaha oo uu sheegay in ay Xukuumadda KULMIYE ay tahay xukuumaddii ugu horreysay ee iibisa kaabeyaasha dhaqaalaha isaga oo taa bedelkeeda tilmaamay in dalalka aduunku aanay iibin kaabeyaasha dhaqaalaha balse ay dhisaan isla mar ahaantaana ay horumariyaan si shacabku uga faa’ideystaan.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo hadalkan ka sheegay khudbad uu shalay u jeediyey boqolaal taageerayaal ah oo magaalada Boorama kaga soo biiray Xisbiga WADDANI, waxaana uu u sheegay reer Boorama in dalka ka xoreynayaan Xisbiga KULMIYE isaga oo sida oo kale ifiyey in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbigii dadka iyo dalka ba isku wadi lahaa isla mar ahaantaana ka shaqeyn lahaa midnimada umadda Somaliland.

Comments

comments