Wasiir wasaarada hawlaha guud Cali mareexan ayaa gaadhi qaaliya kala soo degey dekeda boosaaso Baabuurkan oo cusub kana mid ah noocyada qaaliga ah (NISSAN) islamarkaasna toddobaadkii hore isagoo laga keenay dhinaca Khaliijka Carabta lagasoo dejiyey dekedda Boossaaso ee Maammul-goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland ayaa sida warkan ay heshay Shabakada Wararka Yoolnews.com sheegayaan inuu debedaha kasoo iibsadey Wasiirka H/Guud Ee Somaliland Cali-mareexaan.
Waxana baabuurkan oo dhawr habeen ku qarsoonaa mid kamid ah Huteellada gaadiidkana lagu xereeyo ee magaalada Ceerigaabo ayaa maanta laga soo saaray halkaas, waxana la sheegayaa dhawrka habeen ee gaadhigani Ceerigaabo ku qarsoonaa in ujeeddadu ahayd sidii loogu heli lahaa farsamo gaadhigan oo aan la cashuurin dhinaca galbeedka looga saaro magaalada Ceerigaabo, taasoo u muuqata mid suurta gashay, waxana baabuurkaas oo aan cashuurnayn uu maanta magaalada uga baxay dhinaca galbeed.
Arrinta cashuur la’aanta baabuurkan ayaa lasheegayaa in mas’uuliyiin dawladda katirsani dabada ka riixayeen, taasi awgeedna mas’uuliyiinta kastamka Ceerigaabo lagu amray inay cashuur la’aan (transit) iskusoo weydaariyaan baabuurkaas.
Wararka aanu helayno ayaa tibaaxaya in baabuurkan ay leedahay haweeney ay walaalo yihiin Wasiirka H/Guud Ee Somaliland, haseyeeshee taasi waxay u muuqataa mid aan xaqiiqda ku salaysnay waayo ma jirto sabab kallifi karta in baabuur qof caadi ahi leeyahay loogu cashuuri waayo kastamka ugu horreeya ee uu soo gaadho ama iyadoo madaxda iyo hay’adaha ku shaqada leh ee dawladdu ogyihiin baabuurkaas loogu oggolaan karo cashuur la’aan inuu isaga gudbo gobollada Somaliland.
Dhinaca kale gaadhigan Wasiirku kala soo degey dekedda Boossaaso ayaa muujinaysa isbeddel ku yimid isticmaalkii dekedda Berbera ha ahaato cashuur qaali ah oo laga cararayo ama arrimo kaleba, waxana isweydiinteeda mudan haddii mas’uuliyiinta dawladdu dekeddooda ka cararayaan bulshada kalena maxaa laga filan karaa, mase laga yaabaa in ay dalka ka bilaabanto isticmaalka dekedo yaryar oo si sharci darro ah waxyaabo badan looga soo dejin karo.