Somaliland: Culimada Somaliland Oo Madaxtooyada Iyo Shir-guddoonka Wakiillada Kala Hadlay Xeerka Baannanka Ribada Ah

Date:

Xubno kala duwan oo isugu jira culimada waaweyn ee dalka, madax-dhaqameedka, ganacsatada, aqoonyahanka, mudanyaal ka tirsan baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici iyo shir-guddoonka Golaha Wakiillada, kuwaasoo kala hadlay sidii meesha looga saari lahaa xeerka baananka ganacsiga ee ku shaqeeya nidaamka ribada ah.

Kulanka culimada iyo qaybaha bulshada ee wehelinayey ku yeesheen xarunta Madaxtooyada maalintii Sabtida iyo shirka ay la yeesheen shir-guddoonka Golaha Wakiillada Axaddii shalay, ayaa la iskula qaatay in aan la ansixin xeerka bangiyada ku shaqeeya ribada, waxayna culimadu sheegeen in ribadu tahay waxyaabaha horseeda in Ilaahay (SWT) dagaal la galo cidda ku dhaqanta amma sharciyeysa, sidaa darteedna waxa ay ku baaqeen in gabi ahaanba meesha laga saaro xeerkaas ribada xambaarsan.

Sheekh Maxamed Macallin Cabdi Carab oo kulanka ay yeesheen ka hadlay shalay, ayaa sheegay in bulshadu ka midaysan tahay inay ka hortagto wax kasta oo ka hor imanaya shareecada islaamka, waxaannu yidhi; “Ilaahay (SWT) wuu inaga xarimay waxa loo yaqaan ribada, waxaannu inoo xalaaleeyey bayca (iibka xalaasha ah ee macaashka leh), waxaannu Ilaahay ku tilmaamay qur’aanka kariimka in cidda ribada ku dhaqanta uu la dagaalamayo, markaa arrinta aannu u soo gurmanay ee aannu madaxtooyada ugu tagnay, baarlamaankana u nimmi waa arrintan iyada ah (xeerarka baananka ribada ah) oo iska daa in la ansixiyee soo hadal qaadkeeda ayaannu ka xunnahay oo aan bannaanayn, Ilaahayna waxa uu inoogu sheegay qur’aanka in haddii Ilaahay iyo rasuulkiisu ay arrin gooyaan aanay bannaanayn in qof muumin sheeganaya uu isna yidhaahdo; ‘annagana waxay nala tahay.’ Markaa in laga doodo oo la soo dhex dhigo golaha oo la yidhaah maxay idinla tahay ayaanan bannaanayn, maadaama Ilaahay si cad u xaaraatimeeyey.”

Waxa sheekhu tilmaamay in Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Wasiirka Madaxtooyaduba ay ka ogolaadeen in aan la ansixin, lana dhaqangelin xeer ku shaqaynaya ribo xaaraan ah, isagoo xusay in Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiilladuna arrintaas la qaatay, arrintaas oo uu xusay inay tahay wax Ilaahay loogu mahadnaqo.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Sheekh Cali Warsame oo uga mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland sida uu ugu qaabilay xarunta Madaxtooyada, uguna muujiyey in aannu ogolayn xeerka baananka ku shaqeeya nidaamka ribada watta, waxaannu Ilaahay uga baryey inuu masuuliyiinta qaranka ku ilhaamiyo inay sida khayrka iyo xaqu ku jiro ugu shaqeeyaan qaranka, uguna adeegaan ummadda ay masuuliyadooda qaadeen.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa isaguna caddeeyey in aanay meelmarin doonin wax ka soo horjeeda shareecada islaamka iyo dastuurka qaranka Somaliland.

“Muddooyinkii u dambeeyeyba waxa taagnaa arrinta xeerka baananka ganacsiga oo Golaha Wakiillada yaalay muddo 12 sanno ah, maalin dhawaydna lagu soo daray ajandaha kalfadhigan, markaa arrintaas ayaannu isugu nimi culimada, horena waannu uga wadahadalnay, dastuurkeenana waxa ugu horreeya in wixii ka hor imanaya shareecada islaamka aanay waxba ka jirin haddii la ansixiyo iyo haddii aan la ansixinba oo xattaa aanu wax jira noqon doonin haddii xattaa la ansixiyo, innaguna waxaynu ku dhaqmaynaa waa dastuurka, dastuurkeenuna wuxuu ku dhisan yahay shareecada islaamka,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenku.

Waxa kaloo uu ballanqaaday in aanay ansixin doonin wax ka soo horjeeda shareecada islaamka, waxaannu yidhi; “Dad islaam ah ayeynu nahay, goluhuna (wakiilladu) waa gole muslim ah oo ka wakiil ah dadka reer Somaliland, dalkuna waxa uu ku dhisan yahay wada-tashi, waana diinta iyo wada-tashiga waxa aynu ku meelmarnay, markaa ma jirayo wax xeer ah oo aan waafaqsanayn shareecada oo aanan kala tashan culimada oo imanaya Golaha Wakiillada, mana samaynayno, ballantaas ayaanan wadagalnay,” ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...