War Deg Deg Ah: Xeebaha Somaliland oo Lagu Qabtay Markab Jabuuti Hub Ugu Soo Rartay Soomaaliya

Date:

Ciidanka Ilaaladda xeebaha Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inay gacanta ku dhigeen Markab Hub u siday Somaliya oo ka soo kicitimay dalka Jabuuti.

Illaa hada war sugan lagama hayo halka uu markabkani joogo, hase yeeshee wararka ay waaheen helayso waxa ay sheegayaan in ciladi ku timi isagoo maraya biyaha badda Somaliland, sidaas awgeedna ay ciidanka ilaalada Xeebuhu ugu baxeen.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya warka la xidhiidha Markabkan, waxaanay qaarkood sheeegayaan in loo soo jiiday dhinaca Berbera, halka warar kale-na ay sheegayaan in Somaliland iyo Jabuuti ka wada hadleen markabkan, isla markaana loo jiiday dhinaca Jabuuti.

Markabkan ayey ku rarnayd Saanad Milatari oo ay dawladda Jabuuti u waday ciidamadda ka jooga Somaliya, kuwaas oo maalmahan danbe kooxda alshabaab ku haysay weeraro joogto ah, kadib markii ay ka baxeen deegaanada ay ku suganaayeen ciidamo Itoobiyaan ahi.

Lama oga Heshiiska ay Somaliland ku sii daysay Markabkan Hubka ahaa ee biyaheeda ku dhex xumaaday, hase yeeshee sida xogta aanu ku helayno isla markiiba waxa ka wadahadlay madaxda labada dal.

Markabkan waxa laga leeyahay Somaliland sida xoguhu sheegayaan, hase yeeshee waxa kiraysatay Dawladda jabuuti si uu Hub ugu geeyo Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...