Somaliland: Maanta xadhigii iyo is basaasid baan jirine, caddaani-yow markaaga Oy markaygaan ooyayaaye,”Xasan Guure

Date:

Mujaahid Xasan Guure Oo Xusay Inaan Weli La Helin Wixii SNM Usoo dagaallantay

Guddoomiyaha madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka Md. Xasan Guure Jaamac, ayaa soo jeediyey in la hirgeliyo, isla markaana laga midho dhaliyo ujeedadii ay dagaalka u galeen halgamayaashii xorriyadda Somaliland dhaliyey ee SNM, waxana uu shaaciyey inay yar tahay waxa ka hirgalay ujeedooyinkii loo dagaallamay.

Xasan Guure Jaamac oo ka hadlay munaasibad lagu daah furay mad-xafka taariikhda ururkii SNM lagu uruin doono ee SERYAN, ayaa caddeeyey inaan weli la haynin badiba midhihii la doonayey inay halgankii lasoo galay ka dhashaan, isaga oo cidda hoggaanka haysana kula dardaarmay inay dhaliilahooda u adkaystaan, waxana uu yidhi,“Ka maanta xilka hayaa yaanu dhibsanin haddii hadalka lagu soo qaado, waana lasoo qaadayaa, waayo wax la wada leeyahay ayuu hayaa, xilka SNM ay ahayd ee umaddu ka sugayey ee ilaa maanta maqani waxa ay ahayd inaan la samaynin wixii dawladdii Siyaad Barre samayn jirtey.”

Mujaahid Guure waxa uu xusay inay meesha ka baxeen qaar kamid ah hagardaamooyinkii taliskii Siyaad Barre, isaga oo wasiirka warfaafinta oo madasha  goob-joog ka ahaana kula dardaarmay inaanu hadalkiisa dhibsanin, “Maanta xadhigii iyo is basaasid baan jirin, inkasta oo la yidhaahdo hebel baad la socotay, caddaani-na waxan leeyahay waxba ha isoo eegine markaaga jibbood markaygaan jiboonayaaye, markaaga Oy markaygaan ooyayaaye,” ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...