Waxaa todobaadkan si rasmi ah qalinka loogu duugay heshiiska shirkada DP World ay kula wareegayso maamulida Dekada Bosaaso ee ah isha dhaqaalaha Puntland.
Mashruucan oo lagu balaarin doono dekada Bosaaso ayaa waxa ku bixi doona sida la qiimeeyey dhaqaale gaaraya $336 milyan oo dollar (Saddex boqol iyo Sodon iyo Lix Milyan), iyadoo Shirkadda DP world ay wajiga kowaad ee mashruuca ay bixin doonto 200 milyan oo dollar, wajiga labaadna 136 milyan Dollar.
Shirkada P&O Ports
Shirkadan ayaa ah mid horey looga lahaan jiray dalka Ingiriiska (UK), balse waxaa gebi ahaan iibsaday shirkada DP world ee laga leeyahay Imaarada Dubai, si toos ah u hoos tagta Amiirka Dubai Sheikh Mohamed Rashid Al Makhtuum.
DP World ayaa xiligii ay iibsaneysay Shirkada P&O Ports ee sanadkii 2006 uu qorshahooda ahaa inay la wareegaan in ka badan 9 dekadood oo ku yaal dalka Maraykanka oo ay horey u maamuli jirtay shirkada P&O Ports, wallow markii danbe heshiiskaasi ay hor joogsadeen Baarlamaanka Maraykanka oo diiday in shirkad shisheeye gebi ahaan la wareegto maamulida dekkada waaweyn oo ay ku jireen New York & New Jersey, Philadelphia, Baltimore, New Orleans, iyo Dekadda Miami.
Diidmada Baarlamaanka Maraykanka ayaa yimid kadib markii Xukuumada ogolaatay iibkan, waxayna xildhibaanada diidanaa oo u badnaa xisbiga Dimuquraadiga ay sabab uga dhigeen in arrintan ay khatar ku keeni karto amniga dalkooda.
Shirkada DP World ayaa markii danbe dhamaan hawlihii shirkada P&O Ports ee Maraykanka ka iibisay shirkad kale oo laga leeyahay dalkaasi oo lagu magacaabo AIG (American International Group).
DP World iyo Jabuuti
Shirkada DP World oo maamusha 77 Dekadood oo ku kala yaal 44 wadan oo Caalamka ah ayaa sanadihii lasoo dhaafay xooga saareysay Qaarada Afrika.
Waxayna hada maamushaa dekadaha ku kala yaal wadamada Senegal, Masar, Mozambique, Aljeeriya iyo Djibouti.
Balse xiriirka dowlada Djibouti iyo DP world ayaa sii xumaanayey kadib markii Maamulka Dubai uu diiday inuu soo tarxiilo Cabdiraxmaan Bore oo horey u ahaan jiray Madaxa maamulka dekadda dalkaasi oo ay xukuumada Jabuuti ku eedaysay Musuq Maasuq.
Sanadkii 2012 ayey dowlada Jabuuti maxkamada ku taal London geysay dacwad ka dhan ah Boreh walow kiiskaasi uu ku guuleystay Mr.Boreh.
Sanadkii 2014 ayey dowlada Jabuuti ka codsatay Dubai in loo soo tarxiilo ama loo soo gacan geliyo Boreh oo ku nool Dubai, balse dowlada Imaaraadka ayaa diiday.
Xukuumada Jabuuti ayaa kadib markaasi uga jawaabtay inayba shaki geliso heshiiskii 50 sano soconaya ee shirkada DP World maamuleysa dekadda Doraleh Container Terminal.
Dowlada Jabuuti ayaa markale looga guuleystay bishii Feberaayo ee sanadkan 2017 kiiskii ay dooneysay inay ku laalsho heshiiska DP World ku maamuleyso dekadda Doraleh, iyadoo maxkamada dhex dhexaadinta ee London diiday doodii xukuumada Jabuuti ku sheegtay in DP world lacag musuq maasuq ah siisay Mr.Boreh si uu heshiiskaasi u meel mariyo.
Xiisadan Jabuuti iyo Imaaraadka ayaa waxaa si weyn uga faa’iideystay dowlada Eriterea oo iyaduna heshiis kula gashay DP World maamulida dekadeeda Cassab oo uu Imaaraadka sidoo kale ka sameysay saldhig militari.
DP World – Berbera
Shirkada DP World oo iyadu dadaal ugu jirta inay noqoto tan ugu weyn qaarada Afrika ayaa wadahadal la furtay Somaliland si loogu wareejiyo dekadda Berbera, waxaana wadahadalkaasi ku luglahaa Cabdiraxmaan Boreh oo isagu lahaa isku xirka labada dhinac.
Ugu danbeyntii shirkada DP World ayaa Somaliland la saxiixatay heshiiska maamulida dekadda Berbera oo ku baxaya dhaqaale gaaraya $442 million balaarinta iyo casriyeynteeda.
DP world ayaa dooneysa in Dekadda Berbera xoogeeda u adeegsato suuqa weyn ee dalka Itoobiya ee aan bad lahayn, Dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale arrintan si weyn u taageersan maadaama Imaaraadka uu kamid yahay wadamada hada maalgashiga ku wada dalka Itoobiya.
DP World – Bosaso
Heshiiska DP world / P&O Ports ayaa isaguna ah mid daba socda qorshaha dheer oo ay shirkadan ku dooneyso inay gacanta ku dhigto dekadaha caalamka kuwooda ugu muhiimsan ayaa ah mid ay shirkada u fududeyn doonta inay gacanta ku dhigtay dhamaan dekadaha saaran badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Sidoo kale Dowlada Yemen ayaa horey heshiis ula gashay DP World inay maamusho dekadda weyn ee Cadan.
Shirkada P&O Ports ee kamid ah DP World ayaa ku takhasustay dhinaca dekada Containerada iyo Kaydka. General Cargo, Container Terminals & Inland Container Depots.
Dekadda Bosaaso oo noqon doonta dekadii 9aad oo DP World maamusho Qaarada Afrika, ayaa sidoo kale fure u noqon doonta suuqa Koonfurta Soomaaliya maadaama dekadda weyn ee Muqdisho lagu wareejiyey shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ee Albayrak Group.
Dekadda Bosaso waxay dhisantahay muddo ku dhaw 30 sano, markii ay dhacaysey dowladdii Soomaaliya 1991 ayey ahayd mid qabyo ah, dadka qaarkiis waxay ku doodaan in la musuqmaasuqay maadaama awoodda dowladdii kacaanka ee Soomaaliyeed ay gobolada dalka ka burburtey 1990, waxaana shirkaddii Talyaaniga ee dhiseysey ay dalka ka baxdey dekadda oo qabyo ah.
Heshiiskan waxa uu noqon karaa fursad weyn oo soo martay dekadda Bosaso kaas oo ay ku xiran tahay guushiisa hadba sida looga faa’ideysto. Waxaa jira su’aalo badan oo dadku is weydiinayaan kuwaas oo u baahan in laga jawaabo.
Dekadda Bosaso oo ah isha dhaqaale ee keliya ee Puntland leedahay, sidee ayaa loo qaybsan dhaqaalaha ka soo baxa dekadda? Maxaa iska bedalaya nidaamka canshuuraha dekadda?. Xuquuqda shaqaalaha ee dekadda maxaa iska bedalaya? iyo su’aalo kale.
Heshiiskan waxaa shrikaddu ku bixisey lacag hormarin ah oo gaareysa $10milyan oo dollarka Maraykanka ah, taas oo loo qaybiyey laba weji, si shacabku ugu kalsoon aado heshiiska waxaa lagama maarmaan ah in lacagtan ay soo gaarto Bangiga Puntland oo ay gasho hormarinta Puntland. Somaliland ayaa sidaan si lamid ah lagu siiyey waxaana Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Adam lacagtaas ku shubtey Bangiga Somaliland iyada oo shacabkana loo soo bandhigey, hadii madaxda Puntland ay ku qaybsadaan lacagtaas dalka dibadiisa ayey muujineysaa macnaha heshiiska ka danbeeya iyo miraha uu dhali karo.
Ugu danbeyntii waxaa socda tartan weyn oo dhaqaale iyo mid suuq, dekadda Bosaso waxaa ku socdey muddooyinkii danbe dib u dhac, sababta u weyn ayaa ah dalka oo abaaro is xig-xiga deris la noqdey iyo tartanka ka yimid dekadaha kale, waxaana lagama maar-maan ah in ay ka daba tagto qayrkeed oo ay yeelato istraatiijiyad muujin karta baahida loo qabo. Shacabka Puntland waxaa la gudboon in ay so dhaweeyaan heshiiskan, lakiin ay xujeeyaan in la soo bandhigo nuxurka heshiiska ee aanu noqon wax la qariyo oo aan la ogeyn waxa uu huwan yahay.