Khaatumo: Galaydh Iyo Ku-xigeenkiisa Gacanta Isula Tagay Iyo Kooxda Khaatumo Oo Qarka u Saaran Burbur

Date:

Khilaaf adag ayaa la sheegay inuu soo kala dhex-galay hor-joogaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo ku xigeenkiisa Cabdalle Haybe (Cago-Lule), khilaafkaasi oo ka dhashay ka dib markii ay labadaasi nin isku aragti ka noqon waayeen jidka ay u marayaan siyaasadooda dhagaraysan ee ay ku waxyeelaynayaan nabad-gelyadda deegaamada ay ka soo jeedaan ee Sool iyo Buuhoodle.

Sida ay sheegayaan warar arrintaasi la xidhiidha oo aanu helnay Cali Khaliif iyo Cago-lule, ayaa haatan waxay ku kala sugan yihiin meelo kala duwan, waxaanay wararku sheegayaan in cago-lule iyo xubno isaga taabacsan oo ka tirsan kooxda Khaatumo ay ku sugan yihiin degaanka Boocame ee gobolka Sool, halka Cali Galaydh-na la sheegay in uu ku sugan yahay degaanka Buuhoodle.
Sidoo kale waxay wararku intaasi ku darayaan in khilaafkani uu sii huriyay kadib markii ninka ku magacaaban madaxweyne ku xigeenka kooxda Khaatumo, uu Cali Khaliif ku eedeeyay in uu ka gaabiyay dhammaanba hawlihii uu masuulka ka ahaa, isla markaana uu isagu masuul ka yahay xaaladaha kooxdoodda soo waajahay wakhtigan iyo in uu Cali Khaliif kelidii tuurta ku sito maamulkii kooxda Khaatumo.

Xubno odayaal iyo waxgarad ah oo si dhow ula socday khilaafka hor-joogaha Khaatumo iyo ku xigeenkiisa ayaa wargeyska DAWAN u xaqiijiyay in lagu guul daraystay qorsheyaal la doonayay in la isugu soo dhaweeyo labadaasi nin. Hase yeeshee isku dayadaasi aanay waxba ka suurto-gelin.Kadib markii sida ay sheegeen odayaashaasi Cali Galaydh iyo Cago-lule uu midba midka kale ku tilmaamay in uu isagu khaldan yahay, iyadoo aakhirkiinna dhammaanba isku dayadaasi ay noqdeen kuwo fashilmay sida ay ku warameen ilo looga qaateen ah oo ku kala sugan Buuhoodle iyo Boocanne.

Khilafka kooxda nabad diidka ah ayaa la sheegay in uu muddo soo jiitamayay, iyadoo sannadkii hore dabayaaqadiisii mar ay odayaal degaanka ahi kulansiiyeen labada nin la sheegay in uu gacan ka hadal dhex maray.

Cali Khaliif Galaydh oo ah aqoon-yahan da’ ahaan madaxa la sii gelaya dhawr iyo toddobaatan jir, ayaa carrooga u qaatay inuu colaad ka huriyo deegaamadda Somaliland ee uu u dhashay, iyadoo dedaal kasta oo uu dalkan iyo dadkiisa u soo maleegaaba ay dhiciseeyaan Ciidammadda qaranka oo inta la ogyahay illaa saddex jeer baacsaday sannadkii u dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...