Halyeeygii hore qaranka Brazil – Romario ayaa aaminsan in Neymar uu yahay xiddiga ugu fiican aduunka isagoo ka horeeya saaxiibkiisa Barcelona Lionel Messi iyo ninka ay aadka u xifaaltamaan ee Cristiano Ronaldo.
Neymar wuxuu door weyn ka qaatay guusha ay Brazil ka gaartay isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada koonfura America markaas oo ay noqdeen xulkii ugu horeeyay ee iska xaadiriya Russia 2018.
25-jirkaan heerka caalami sidoo kale wuxuu door muhiim ah ka qaadanayaa guulaha Barcelona ee xili ciyaareedkaan isagoo 15-gool dhaliyay dhamaan tartamada oo dhan.
Brazil halyeygeeda Romario wuxuu aaminsan yahay in Neymar uu dhaafay durba Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.
“Maalmahaan, Neymar waa xidigeena noogu weyn, waa kan ugu wanaagsan dunida waqtigaan, anigoo xushmad oo dhan u haya Messi iyo Ronaldo, inkastoo aan si gaar ah u aaminsanahay inuu wax badan ka hooseeyo labadooda” ayuu u sheegay ESPN.
“Waxa uu ku sameeyay labadaba Barca iyo Selecao, waa waqtigii loo dooran lahaa kan ugu wanaagsan dunidaan” ayuu hadalkiisa ku daray.
Ugu dambeyntiina Romario ayaa aaminsan in xidigaan heerka caalami uu Brazil u hogaamin karo koobka Aduunka Russia 2018.