Somaliland: Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Oo Alle Ka Baryaya Inuu M/Siilaanyo Garansiiyo Inuu Wasaaradda Ka Badelo Wasiir Xaglo Toosiye

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa ka dayriyay heerka liidata ee ay Wasaaradoodu marayso, Waxaanay Alle ka baryeen inuu Madaxweyne Siilaanyo Garansiiyo oo uu isku badelada uu ku samaynayo Wasaaradda Dalka uu raaciyo,Waxa ay dood ay galeen isku waafaqeen in Wasaaradoodii noqotay maqaaxi u xidhan shaqsi gaar ah islamarkaana aanay jirin dhaq dhaqaaq lagaga soo kaban karaa,Waxa kale oo ay Wax iska waydiiyeen sababta lagu illaaway Wasaaradooda maadaama oo ay Kaalin Mihiim ah oo Hawlaha Caafimaadka ah kaga beegan tahay Qaranka.
Shaqaalahani oo shalay Dood Culus soo dhigay Bar Kulan ay Facebook-ga ku leeyihiin ayaa waxa ay iskugu jireen Dhakhaatiir colculus,Isku duwayaal iyo masuuliyiin kale,Waxaanay iskula jeex jeexeen oo ay dood culus ka galeen il-go’a ka muuqda Wasaaradooda,iyagoo isku waafaqay inay marayso meel aan la sii eegan Karin. Waxa ay Alle ka baryeen in Alle Garansiiyo Madaxweyne Siilaanyo inuu Wasaaradda Caafimaadka usoo gurmado oo uu Isbadelka uu ku sameeyo Waaxyaha kale ee Dawlada uu raaciyo,Waxaanay soo hadal qaadeen Isku shaandhaynta mudooyinkan dambe lahadal hayo ee la sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo soo wado,waxaanay Rajo ka muujiyeen in Isku shaandhayntaasi tahay mid wax weyn u soo sida oo Shaqaalaha Wasaaradda guud ahaan ka farxin doonta.
Cabdiraxaman Cabdilaahi oo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka,Islamarkaana Xilal Waa weyn Wasaaradda Ka qabtay ayaa ka mid ahaa dadkii Aroorahooda ka dhiibtay doodaasi,Waxaanu isagu si gaar ah u carabaabay inay Ka wasaarad ahaan muddaba Madaxweyne Siilaanyo uga fadhiyeen inuu Dhinaca wasaaradda Caafimaadka soo eego oo uu wax ka badel ku sameeyo sida uu ugu sameeyo Hay’addaha kale ee Dawladaba,Waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo haddii isku shaandhaynta la hadal hayaa taabato Wasaaradda Caafimaadka waxaana qoraaladiisa ka mid ahaa“Isku shaandheyntu haddey saameyso Wasaarada Caafimaadka aad baan usoo dhaweynayaa”,Sidaas waxa yidhi Cabdiraxmaan Cabdilaahi oo intaasi raaciyay Doodo kale iyo araaro kale oo uu si cajiib ah ugu lafo guray Nijabka iyo Fadhiidnimada ka muuqata Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada Culus ee ay Wasaaraddu qaranka uga xilsaaran tahay oo Curyaamay islamarkaana saamayn ku yeelatay xiitaa shaqaalihii Wasaaradda.
Inkasta oo ay shaqaale badani aragtidooda ka dhiibteen haddana Waxa isaguna si adag u hadlay Nin lagu magacaabo Axmed Maxamed oo sheegay in Wasaaraddii Caafimaadku noqotay maqaaxi shaqsi lagu naasnuujiyo,Waxa uu carabka ku adkeeyay in Wasaaraddaasi aanay ka jirin Wax isla Xisaabtan ah islamarkaana waxa uu sheegay in Wasaaraddaasi dhan loo baabiiyay Shaqsi aan aqoon iyo karti u lahayn shaqada Wasaaradda oo ka dhigtay meel uu biishado,waxaana qoraaladiisa ka mid ahaa “Isku shaandhayntu inay saamaynayso umalayn maayo,Waayo maqaaaxi ayey noqotay shakhsiyaad lagu naasnuujiyo”. Nin kale ayaa waxa uu ku dooday in Ninkan Wasaaradda Madaxda ka ah ee Wasiirku uu aaminsan yahay inuu qori afkii ku xoraysay Wasaaradda oo aanay suurtagal ahayn in laga qaado,isagoo sheegay in arinta halka laga afgaran laayahay ee Wasaaradii dhanayd afka ooda looga saaray ay tahay sidaasi waxaana uu yidhi “Kadidiisa ayuu usoo cabay ayay ku odhanayaan oo Isagu waa lama taabtaan hadii kale jabhadayn ayaan bilabaya weeye xaalku, Wasaaraddii Dhamayd Ee Caafimaadku maanta Albaabada ayaa u xidhan,Waa hawlgab,Waa Wasaaradda ugu liitada Dalka,Waxaanay loo xidhay oo lagu naasnuujiyaa Shaqsi”.
Wasaaradda Cafimaadka ayaa kaalmaha koowaad kaga jirta Wasaaraddaha ugu liita Qaranka,Waxa ay sidoo kale ka mid tahay Wasaaraddaha ugu musuq Maasuqa badan ee ay Xidhiidhka u jareen Hay’addaha caalamiga ah ee Somaliland kala shaqayn jiray Arimaha Caafimaadka kadib markii ay Xisaab xidh ka waayeen.

Comments

comments