Madaxa Ololaha Ee WADDANI Oo Mabaadii’da Gundhiga U Ahaa Shir-hawleed Dib Loogu Eegeyey Barnaamijkooda Ololaha Oo Shalay La Soo Gebogabeeyey.
“Mabda’a Uu Xisbigu Aaminsan Yahay Waxa Weeye In Uu Dadka Reer Somaliland U Ababiyo Wadaniyad Dhis, Waayo Shanta Sanno Ee U Dembeysay Qabyaallada Ayaa Meel Fog Gaadhay”
Madaxa ololaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Kheyre ayaa ka hadlay natiijada kasoo baxday shir hawleed ay kooxda ololaha ee xisbigaasi muddo lix maalmood ah u qabteen laamaha kala duwan ee WADDANI, shirkaasi oo dib-u-eegis looggu sameynaayey barnaamijka olalaha doorashada Madaxtooyada Somaliland ee Xisbiga WADDANI.
Shirkan oo shalay lasoo gebogabeeyey oo ay ka qeyb-qaadanayeen khabiiro siyaasaddeed oo heer caalami ah oo ka socday dalka Ghana iyo weli ba sida oo kale hay’adda caalamiga ah ee horumarisa arrimaha dimuqraadiyadda ee IRI(International Republican Institute), ayaa waxa ka qayb galay madaxda sar sare ee Xisbigaasi, Madaxa Ololaha doorashada Madaxtooyada, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba siyaasiyiin iyo aqoonyahan kale, waxaana intii uu socday shirkaasi lagu falanqeeyey qorsheyaasha kala duwan ee xisbiga WADDANI uu ku guuleysan karo doorashada Madaxtooyada iyada oo si weyn la isku la eegay xeeladaha kala duwan ee lagu kasban karo codka shacabka Somaliland. Ka hor khudbad uu halkaasi ka jeediyey Xamse Kheyre waxaa iyagu ka hadlay xubno ay kamid ahaayeen Xuseen Axmed Caydiid iyo hoggaanada garabbada dhallinyarta iyo haweenka ee WADDANI kuwaas oo sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin kulan ay wadaageen isla mar ahaantaan dib u eegis looggu sameynaayey barnaamijka ololaha WADDANI, waxaana ay tilmaameen in ay ku faraxsan yihiin qaabkii habboonaa ee ay iyaga iyo weli ba hay’adda IRI isu la wadaageen siyaabaha kala duwan ee loo guuleysan karo. Mr. Peter Mac Manu oo ah khabiir aad ugu xeel dheer dhinaca siyaasadda iyo ololaha ba isla mar ahaantaana hore u soo noqday guddoomiyaha xisbiga New Patriotic party ee dalka Ghana sida oo kale na la taliye u soo noqday xisbiga ku guuleystay doorashada dalka Neyjeeriya ee uu hoggaamiyo Mahammadu Buhaari, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanaa kulankan ay wada qaateen xisbiga WADDANI.
Madaxa ololaha WADDANI Xamse Cabdiraxmaan Kheyre oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay hay’adda IRI oo uu sheegay in ay ka aqbaleen codsi ay ku weydiisteen in ay ka caawiyaan sidii shirkani u suurto geli lahaa, waxaanu intaa ka dib sharraxay nuxurka hawsha ay shalay soo gebogabeeyeen “hawsha aynu lixdii cisho ee aynu halkan wada joognay aanu haynay waxa ay ahayd shir hawleed dib u eegis lagu samaynay barnaamijkii ololaha WADDANNI, barnaamijka xisbiga hore waynagii u samaysanay laakiin [IRI] ayaanu ka dalbanay in ay dib u eegis ku samayno intaynaan fulinta bilaabin”. Sidaas ayuu yidhi Madaxa ololaha ee xisbiga WADDANI, waxaanu intaa ku daray “Ujeedada ugu weyn ee aanu shirkan u qabanayna waxa weeye u diyaar garawga doorashada November 2017 wadanka ka qabsoomi doonta, waa tallaabo aanu u qaadnay xaggaas iyo doorashada iyo u diyaar garowgeedii, maantana way innoo dhamaystiran tahay istaraatiijiyadii waa innoo hadhsan uun fulinteedii oo maanta wixii ka dembeeya innoo bilaabmi doonta”.
Guddoomiye Xamse Kheyre waxaa uu sidoo kale farta ku fiiqay qaabka ay xisbi ahaan u fikirayaan in ay ku galaan olaha doorashada madaxtooyada,waxaanu sheegay in ay mar kasta ka go’an tahay xisbi ahaan in uu noqdo mid daah furnaan ah oo si nadiif ah loo galo “Sida uu u fikirayo xisbiga WADDANi waxa weeyaan olole nadiif ah oo qabyaallad ka nadiif ah oo dadka reer Somaliland oo dhan uu xisbigu Marti uga yahay codkooda. Waxaanu aamminsannahay in distoorku uu xaqa doorashada siiyey qofka ee aanu beellaha siinin. Distoorku waxaa uu qofka siiyey in uu xaq u leeyahay in uu wax doorto lana doorto, arrintaasi waxa ay u baahan tahay olole ka duwan olalaha markaad aaminsan tahay in ay beello codeeyaan waayo Waad ogtihiin wadankeena muddadii shanta sanno ahayd ee u dembeysay qabyaallada ayaa meel fog gaadhay. Mabda’a labaad ee uu xisbigu aaminsan yahay waxa weeye in uu dadka reer Somaliland u ababiyo WADDANIYAD-dhis, oo qabyaallada waxaanu ku bedelaynaa wadaniyad dhis, markaas taasina olole gaar ah ayay u baahan tahay”. Ayuu yidhi