Somaliland: “Madaxweynaha Waxaan Waydiinayaa, Kuwan Kugu Xeeran Ee Daaraha Wada Dhisanayaa Halkay Lacagta Ka Keeneen..”? Eng. Maxamed X. Cilmi

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa laamaha Dawladda Somaliland ku eedeeyay inay waajibaadkoodii gabeen.

Eng. Xaashi wuxuu sheegay inay ahayd markii Madaxweynuhu uu Muddo-kordhinta dalbaday marka labaad in Maamuus ka xayuubin lagu sameeyo, isagoo taa beddelkeedana sheegay in Ciddii Waajibaadkaa lahayd oo ah Baarlamaanku ay laftoodu arrintaa kula shaqeeyaan Madaxweynaha.

Maxamed Xaashi oo u warramay Telefiishanka Star, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Marka Madaxweynuhu Dalbado Muddo-kordhin aan sabab lahayn in Xilka laga fadhiisiyo ayay ahayd, markaa Baarlamaanka oo labada Gole ah, Xukuumaddii, Xeer ilaalintii iyo Hanti-dhowrkii intaba waxaad odhan kartaa Xilkoodii way gabeen ha kala mug-weynaadeenne.”

Maxamed Xaashi wuxuu Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ku eedeeyay inay halis geliyeen Gooni isku taagga Somaliland, “Gooni isku taaggii Somaliland baaba halis ku jira ayaad is odhanaysaa, Waayo? Madaxweynahani wuxuu fasaxay in Innaga iyo Soomaaliya aynu isku soconno, wuxuu fasaxay in Wada-hadallo Soomaaliya lala galo, waxaynu Caalamka ka dhaadhicinay in aynaan goosan ee aynu cadhaysannahay, markaa Ictiraaf baanu raadinaynaa waa Lacag lumis kale.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu eedeeyay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo hadda ka mid ah La Taliyeyaasha Madaxweyne Siilaanyo, sidoo kalena ka mid ah Guddida Qaran ee Ictiraaf-raadinta Somaliland, “Ictiraaf-raadinta yaa loo diraa, bal hadda Dadka loo diray eeg, kii Maaliyadda hayey ee  Boqol iyo labaatanka Milyan ku luntay, ayaa la leeyahay Ictiraaf-raadin buu ka shaqeynayaa, Madaxweynuhuu la taliyaa, dee muxuu kula talin tolow.”?

Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu Madaxweynaha waydiiyey halka ay Lacagta ka keeneen Masuuliyiin uu sheegay inay Madaxweynaha ku xeeran yihiin oo Guryo dhisanaya “ Madaxweynaha waxaan waydiinayaa Kuwan Daaraha wada dhisanaya ee Kugu xeersan halkay ka keeneen Lacagta ?. Madaxweyne, Dadka haddii waxooda loo farsameeyo nolol wanaagsan bay ku noolaan karaan haddii waxooga loo farsameeyo, markaa Madaxweyne waxa iga talo ah Cawilna Maaliyaddii buu baa’biiyey, markaa kii wax xumeeyay uun inaad soo kaxaysato mid meesha ku jirta maaha.”

Comments

comments