Maxaa Iska Badalay Kala Sareynta Gooldhalinta La Liga – Kooxdeese Ugu Goolal Badan? Kadib Kulamadii 30-aad

Date:

Kulamadii 30-aad ee horyaalka La Liga ayaa la ciyaaray xalay iyo habeen hore, inkastoo kooxaha qaar ay kulamo u baaqdeen hadana sida ku qoran diiwaanka waa kulamadii 30-aad, sidaas oo ay tahay isbadal ayaa ku yimid dhanka gooldhalinta.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa gaaray guulo kala duwan iyagoo si awood leh uga helay sadex dhibcood Sevilla iyo Leganes, balse goolasha ay dhaliyeen dhanka kala sareynta gooldhalinta ciyaartoyda iyo kooxahaba saameyn ayey ku yeesheen.

Dhanka ciyaartoyda waxaa hogaaminaya Lionel Messi oo 27-gool dhaliyay La Liga isagoo saftay 26-kulan, ciyaariyahanka reer Argentina ayaana sidii caadada u aheyd laba gool ka dhaliyay Sevilla, sidoo kale Suarez oo xalay gool dhaliyay ayaa isna ku jira booska 2-aad isagoo leh 24-gool madam auu saftay 28-kulan.

KALA SAREYNTA:

1. Lionel Messi (Barcelona) 27-gool

2. Luis Suarez (Barcelona) 24-gool

3. Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 19-gool

4. Iago Aspas (Celta Vigo) 15-gool

5. Antoine Griezmann (Atletico Madrid) 14-gool

DHANKA GOOLDHALINTA KOOXDA GUUD:

Barcelona ayaa ah kooxda ugu badan ee goolal dhalisay madama ay dhalisay 88-gool, halka Real Madrid oo booska labaad ku jirta ay dhalisay 78-gool, sidoo kalana waxaa goolasha ugu yar laga dhaliyay horyaalka Villarreal iyo Atletico Madrid oo laga dhaliyay min 23-gool, halka Barca laga dhaliyay 26-gool, Real Madrid iyana 30-gool.

Kala Sareynta Kooxaha Goolasha Ugu Badan Dhaliyay:

1. Barcelona (88-gool)

2. Real Madrid (78-gool)

3. Atletico Madrid (55-gool)

4. Sevilla (52-gool)

5. Eibar (47-gool)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...