Kulan dib-u-eegis looggu sameynaayey barnaamijka olalaha doorashada Madaxtooyada Somaliland ee Xisbiga WADDANI oo muddo lix cisho ah ka socday magaalada Hargeysa isla mar ahaantaana ay ka qeyb-qaadanayeen khabiiro siyaasaddeed oo heer caalami ah oo ka socday dalka Ghana iyo weli ba sida oo kale hay’adda caalamiga ah ee horumarisa arrimaha dimuqraadiyad.

Madaxa ololaha WADDANI, siyaasi Xuseen Axmed Caydiid iyo hoggaanada garabbada dhallinyarta iyo haweenka ee WADDANI oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin kulan ay wadaageen isla mar ahaantaan dib u eegis looggu sameynaayey barnaamijka ololaha WADDANI, waxaana ay tilmaameen in ay ku faraxsan yihiin qaabkii habboonaa ee ay iyaga iyo weli ba hay’adda IRI isu la wadaageen siyaabaha kala duwan ee loo guuleysan karo.

Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen madaxda sar sare ee Xisbigaasi, Madaxa Ololaha doorashada Madaxtooyada, siyaasi Xuseen Axmed Caydiid, Pro.Qaasim Tubeec, xoghaye ku xigeenka WADDANI, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba siyaasiyiin iyo aqoonyahan kale oo si weyn uga soo shaqeeyey diyaarinta barnaamijka ololaha WADDANI, ayaa si weyn looggu falan-qeeyey qorsheyaasha kala duwan ee xisbiga WADDANI uu ku guuleysan karo doorashada Madaxtooyada iyada oo si weyn la isku la eegay xeeladaha kala duwan ee lagu kasban karo codka shacabka Somaliland iyo weli ba sida oo kale sida loogga digtoonaan karo khalkhal ku yimaada tirade codbixiyeyaasha doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Comments

comments