Somalia: Baarlamaanka Maamulka Muqdisho Oo Saldhigga Berbera Ee Somaliland Maanta U Fadhiistay

DP World to Manage Somaliland Port of Berbera
DP World Wins 30-year Concession for Somaliland Port

Fadhigii ay saaka yeesheen xildhibaanada baarlamaanka dalka Somaliya ayaa waxaa xildhibaanada aqalkaasi loo qeybiyey mooshin ka dhan ah saldhiga Military ee dawlada imaraadka laga siiyey magaalada Berbera .

Mooshinkan ayaa sida shabakada Ilaysnews.com loo xaqiijiyey waxaa ku saxeexnaa 20 xildhibaan isla markaana waxaa ay xildhibaanadu sheegen in heshiiskaasi yahay mid dhaawacaya qaran nimada dalkii la isku odhan jiray Somaliya .

Sidoo kale mooshinka oo ka koobnaa 4 Qodob ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskaasi khilaafsan yahay sharciyada caalamiga ah isla markaana waxaa ay xildhibaanadu xukuumada Somaliya ka codsadeen in ay arintaasi mawqif cad ka istaagto .

Markii mooshinkaas laga hor akhriyey xildhibaanada ayaa waxaa gudoomiyaha goluhu xildhibaanada ku war galiyey in ka doodida mooshinkaas dib loo dhigay isla markaana kulamada soo socda lagaga doodi doono

Comments

comments