Cadaadiska Jamaahiirta, Arinta Alexis, UCL, Dhaawacyada Kooxda & Wax Walba Oo Uu Arsene Wenger Kaga Hadlay

Arsene Wenger ayaa hor yimid saxaafadda ka hor kulanka ay habeen dambe la leeyahiin West Ham waana kulanka loo yaqaano “London Derby” madama labada kooxood ay ka wada dhisan yahiin caasimadda, Arsene wuxuu ka war bixiyay waxyaabo badan oo quseeya kulanka iyo guud ahaan kooxda.

Arsene waxaa wax laga weydiiyay dhaawacyada safkiisa ka hor kulanka West Ham wuxuuna ku jawaabay: “Chamberlain iyo Ramsey waxey tijaabo mareen maanta waan arki doonaa hadey kusoo laabtaan kooxda, Koscielny waa maqan yahay”

“Waan fahmi karaa sababta aad mar kale ii weydiineyso waxa ku saabsan mustaqbalkeyga, haka walwalin, dhawaan ayaad heli doontaa, waxaan ugu shaqeeyaa kooxdeyda sharaf iyo daacadnimo, wax cabsi ahna ma qabo” Ayuu ugu jawaabay mar la weydiiyay sababta loo dib dhigay arimaha mustaqbalkiisa.

Dhanka kale Arsene ayaa wax laga weydiiyay banaan baxyada aan xadka laheyn iyo nasiino la’aanta ay qabaan jamaahiirta kooxda wuxuuna ku jawaabay: “Xaqiiqdii waxaan ahay xirfadle, marka aad xirfadlaha tahay waxaad wajaheysaa xaalado haboon iyo kuwo aan habooneyn”

“Waxaan jeclahay inaan guuleysto kulamada kubadda cagta, taas ayaan diirada saari doonaa, waxaan kooxda ugu shaqeeyaa sharaf iyo daacadnimo, taas wax cabsi ah kama qabo, waan aqbalaa xukunka dadka waxaana diirada saaraa ciyaarta, waana sida ay tahay” “Maamulka ayaa masuul ka ah go’aanka mustaqbalka, waa mid dareen leh”

“Wuxuu heystaa sanad iyo bar heshiis ah, ma fahmin waxa doodaas keenay, shaqadeena waa inaan waxqabad la imaano sida ugu dheer oo aan halkaan ku joogno, ma fahmin argagaxa nuucaan ah, gabi ahaanba waxey inkireysaa waxa uu xirfadlaha yahay” ayuu yiri mar wax laga weydiiyay arinta Alexis Sanchez ee soo noq-noqotay.

Sidoo kale Champions League-ga iyo arimahiisa ayey wax ka weydiiyeen wuxuuna ugu jawaabay, “Waxaan ilaa iyo xad ku faraxsanahay inaan arko dad rumeysan lama filaanka, maahan wax u fudud sida ay u muuqdaan”

Ugu dambeyntii Arsene Wenger wuxuu ka hadlay sida uu u arko kulanka West Ham, “Wey ku jahawareereen gurigooda, tan iyo guuritaankooda garoonka cusub, waxey lumiyeen Payet sidoo kale, Premier League waa mid adag, waxeyna heystaan ciyaartoy tayoleh”

Comments

comments