Somalia: Wasiirkii Hore Ee Dekedaha Dalka Soomaaliya Oo Saaka Ku Geeriyooday Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho Nuur Faarax Xirsi oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumaddii hore ee Cumar Cabdirashiid.

Nuur Faarax ayaa maalmahan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, isagoo lagu daweynayay cisbitaalka Erdogan Ex Digfeer, kaddib markii maskaxda dhiig kaga furmay.
Dhakhaatiirta cisbitaalka Digfeer ayaa sheegay in xaaladiisa ay aheyd mid aad khatar u aheyd, isla markaana aanay suura gal aheyn in dalka dibaddiisa loo qaado.

Wasiirkii hore ee Dekedaha ayaa ka mid ahaa Wasiiradii Xukuumaddii hore Cumar Cabdirashiid oo lagu waday inay xilka wareejiyaan.

Waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho, waxaa aaskiisa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Nuur Faarax Xirsi ayaa horay u soo noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Malaysia, waxaa uu ka soo jeedaa deegaanada Somaliland.

Comments

comments