Real Madrid & Barcelona Oo La Nasin Doono Ramos & Pique Kulamada,,,

Zinedine Zidane ayaa nasin doona kabtankiisa Sergio Ramos mana ka qeyb qaadan doono kulanka ay kooxdiisa soo dhaweyneyso Alaves xilli ay taam u yahiin dhamaan daafacyadiisa kale ee sadexda ah Nacho, Varane Iyo Pepe.

Estadio Santiago Bernabeu ayaa lagu ciyaari doonaa kulanka ay kooxda joogta finalka Copa del Rey kula ciyaareyso Madrid kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Zidane wuxuu rabaa inuu mar kale rogo shaxdiisa isagoo nasin doona kabtankiisa kasoo wada muuqday labadii kulan ee ay qaranka Spain la yeesheen Isreal iyo France.

Dhanka kale Barcelona ayaa nasineysa Gerard Pique kulanka ay u safreyso kooxda Granada berito oo Axad ah, waaxaana sidoo kale ka maqnaan doona Aleix Vidal iyo Turan oo dhaawacan iyo Lionel Messi oo ganaax kaga maqan.

Sidoo kale waxaa lasoo warinayaa in Gerard Pique uu seegay tababarkii ugu dambeeyay kooxda taasna ay sababtay inaan lagu darin ciyaartoyda safarka ah.

Comments

comments