Somaliland: Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Dardaaran U Diray Dadka Ka Faa’iidaysan Doona Mashaariicda Qiimaha Badan Ee Xukuumadu Ka Fulisay Banka Qoolcaday

Date:

“Dawladdu Qolona Maaha, Kooxna Maaha Ee Waxaa Wixii Ummaddan Ka Dhaxeeyey, Maalinbana Ninbaa Hoggaamiya.”…Wasiirka Madaxtooyadda JSL

Wefti Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumaddda Somaliland oo uu hoggaaminayey Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta kormeeray Banka qool caday oo ay Xukuumadddu ka hirgalisay Ceel biyood iyo mashaariic kale. Weftiga oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Xanaanda Xoolaha Cabdilaahi Cukuse, Maaliyada Samsam Cabdi Aaadan, Biyaha Xuseen Cabdi Boos iyo safiirka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil Cumar ayaa sidoo kalena hormeeray Dugsiga boodhinka ah ee Salaxlay. Weftigaasi oo si weyn loogu qaabilay Salaxlay ayaa hadlo ka jeediyey munaasibad loo qabtaym, Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Farxad weyn ayey noo tahay in aanu socdaalkan kormeerka ah ugu soo baxno degmadda Salaxlay iyo deegaamada hoos yimaada, ujeedada socdaalkayagu waxay salka ku haysay in aanu soo indho-indhayno dugsiga farsamada gacanta ee Haldoor ay gacanta ku haysay oo xukuumad ahaana aanu gacan weyn ka gaysanay, annaga oo jecel in aanu halkan ugu mahad celino ururka Haldoor, dhalinyaradaas mutadawaciinta ah ee aragtida dheer la yimid ee mashruucaas hindisay aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa, waxaanu iyaga iyo deegaankaba ugu balan qaadaynaa in aanu mashruucaas qabyo tiri doono. Waxa kale oo aanu soo marnay ceelkii Qoolcaday , ceelkaas oo qodmay sadex boqol iyo dhawr iyo todobaatan mitir, waxa laga maalgaliyey mashruucaas sanduuqa maalgalinta Somaliland, xukuumadda Somaliland ayaa qorshaheeda dhigtay, waxaanu u mahad celinaynaa dawladihii innaga caawiyey maalgalinta ee dawladdaha Ingiriiska iyo Denmark ay ka mid yihiin.”
Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sidoo kalena yidhi “ Waxaanu u nimid in ceelkaas furitaankiisa bilowgiisii aanu indho-indhayno, biyihii soo baxay arragno qabyo yar ayaa ku jirta, oo ah dardarkii, taangigii iyo qolalkii waashmaanadu seexanayeen si fiican ayaa maalinta dambe loo qabyo tiri doonaa, ceel labaad ayaa deegaankaa lagga qodi doonaa. Mashaariicdaasi waxay ahaayeen mashaariic deegaankan muran badan ka abuuray, Xukuuamdda Somaliland waxay qorshaysay banka qoolcaday inay xidho oo xiliyada abaaruhu dhacaan sida ta maanta oo kale lagaga baxsado abaarta, xiliga gu’gana ay innoo xidhnaadaan oo naqa ka baxa aynu daajino xoolaha xiliga kaliisha iyo jiilaalka, dacaayad badan ayaa lagu furay dadka samaha diida iyo dadka horumarku neceb ama maalgashi diidka cuduradaasi ku dhacaan waxay sameeyaan dacaayado ka dhan ah waxa la qabanayo, ilaayo dacaayada la gaadhsiiyey barri ayaa dad laga soo rarayaa dabadeena waxa lagu furi doonaa banka qoolcaday, ILAHAY bani-aadamka cid walba meel ayuu ku abuuray cidina cid meel kala qaadi karto, cidina isma riixi karto, Ilaa xadkaa caqliga wanaagsani aanu qaadan karin ayey gaadhay.” “ Dad si wanaagsan u fakarayeyna way jiraan, oo lahaa waar meeshani waa deegaankayagii hadii nalaga xidho xagaanu u guuraynaa, xiliga barwaaqada ah xagaanu tagaynaa, dhulkii waa la kala ootay, aragtiyada aan la kulmayey annigu taas ayaa ugu wanaagsanayd. Waxaanu xukuumad ahaan ka kulanay dareen xoogan oo ah waar biyaba ma rabno, ceelalna ha nooga qodina, oo ma haraadka ayaa doonaysaan?, arragtidii dadka waanu eegnay, dadka ma midaysnayey ee wuu qayb Sanaa, marka bulshadu aragti ku qaybsanto shardi maaha in la wado raaco, annaguna horumar iyo hal abuur ayaanu wadnay, waayo bini aadamku isku caqli maaha, isku aqoon maaha isku garashana maaha, waxa laysku xukumaa ninka hogaamiyaha umadda ahi wuu ka aragti dheer yahay ninka uu xukumo, dadka raydka ah iyo shacbiga, wax ILAHAY masuuliyada u saaray inuu keeni karro ama garan karo wax aanay inta kale garan karin, macnaheedu maaha dadka oo dhan ayuu ka caqli badan yahay, waxa ninka umadda u taliya la talisa inta umadda u caqliga badan, waxay helaan tallo faro badan si dadban iyo si toos ah.” Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay dulqaadka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxaanu yidhi “ Mashruucan caqli iyo hal abuur ayaanu ku galnay waxa se ka hor imid daadad iyo duufaano ka dhan ah iyo aragtiyo ka dhan ah, waxaanu mudo qancinaynay bulshada, Xukuumad bisil oo waayo arag ah ayaanu nahay, xoogna kumaanu qaban wixii naga hor imid, Xukuumad kali talis ahna ma nihin, waxaanu nahay Xukuumad dhawrta xuquuqda iyo xoriyaadka muwaadiniinta, xoriyada hadalka tixgalisa, markii dagaal xooga nalagu qaaday waxaanu isku daynay in aanu Umadda qancino, u caqli celino u jilib salaaxno, waar dadka maanu laaluushine waanu qancinay. Intii badnayn ayaa na raacday. Ka dib waxaanu nidhi inta yari ma xanibi karto horumarka, sharcigana gacanta kuma qaadan karto, xoogna kuma joojin karto, hadii xoog jiro dawlada xooga leh, dadku xooga ma le’eh, dawladdu iyadaa dadka kala celisa, iyadaa dadka cadaaladd u samaysa iyadaa isku wada, Dawladdu qolona maaha, kooxna maaha ee waxaa wixii ummaddan ka dhaxeeyey, maalinbana ninbaa hogaamiya. “Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kalena ka hadlay sababta loo joojiyey seerihii banka Qoolcaday waxaanu yidhi “ Mashuurcii banka xidhitaankiisa dibaanu u dhignay, lacag badan ayaa ugu jirtay Sanduuqaas, waxaan dadka deegaanka u sheegayaa waxa ay ahayd qorshe looga qorsheeyey sanduuqa horumarinta Somaliland, deegaanada dalka waa loo qaybiyaa mashaariicda, umadda qaniimada qaranka waa loo qaybiyaa qayb ay u haleen ayey ahayd haduu mashruucaasi dib uga dhacaynba murankii iyo buuqii ayaa keenay, annagu meel adag ayaanu iska taagnay dibna umaanu dhigneene waxa se dacwadu gaadhay ilaayo dawladihii deeqda bixinayey dacwad loo geeyey oo la yidhi waa laysku dilayaa, mashaariicdiinii oo ay nagu yidhaahdeen cashuurta dadkayaga raali kama nihin in dhiig ku daato, waxaan leeyahay shacbiga Somaliland waxa aynu u bahaan nahay in is aaminka dhexdeena aynu kordhino oo tuhunka iyo is beeraadka iska saarno inaynu horumarka iyo maalgashiga iyo waxa inoo kordhaya soo dhawayno, midab iyo deegaan midna ma kala laha lab iyo dhadig-na ma kala laha barwaaqadu, ama waynu wada barwaaqoobi oo waa wada badhaanaynaa ama waa wada ba’aynaa. Waxa dalka u soo kordhaana waa wax inoo soo wada kordhay.” Ayuu yidhi Wasiirku isaga oo arrimahaasi ka hadlayay khudbaddiisii shalay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...