Somaliland: M/Siilaanyo Iyo Shidaal Baadhista Marku Mucaardka Ah Talawo Maxa Isbadal? Afhayeenka Madaxtooyadda Oo Sababay In Warbaahintu Joojiso Baahinta Soo Laabashadii Waftiga Madaxweynah

Date:

“M/Siilaanyo Wakhtigii Uu Mucaaridka Ahaa Waxa Uu Bulshada U Sheegi Jiray Inaan Dal Aan La Ictiraafsanayn…..?Wariye Cabdirashiid/Universal

Kadib markii uu Madaxweyne Siilaanyo afka ka furaystay inuu Warbaahinta la hadlo ayaa waxa Warbaahinta horyimid Doraad markii uu Waftiga Madaxweyne Siilaanyo soo guryo noqday Afhayeen Madaxtooyadda Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr),kaasi oo isku dayay inuu ka warbixiyo Safarkii maalmaha Qaatay ee uu Madaxweyne Siilaanyo ugu baxay Gobolka Saaxil iyo Togdheer,waxaana markii uu hadalka dhamaystay la waydiiyay Su’aal sababtay inay isku buuqaan wariyayaashii goobta joogay iyo Afhayeenku, islamarkaana Aakhirkii keentay in Warbaahintu Go’aan ka qaadato baahinta Warkaasi gabi ahaantiiba.
Wariye Cabdirashid Cabdiwahaab Oo ka Tirsan Wariyayaasha Universal Tv ee Magaaladda Hargeysa ayaa Afhayeen Xuseen Deyr la tiigsan su’aal mudooyinkii u dambeeyay dhex wareegaysa Bulshadda Islamarkaana ku saabsanayd Mawqifkii uu Madaxweyne Siilaanyo ka haystay Qodista Shidaalka wakhtigii uu Mucaaridka ahaa,Waxa uu Wariye Cabdirashiid Cabdiwahaab Waydiiyay Afhayeenka,Su’aal u dhignayd sidan “Madaxweyne Siilaanyo Wakhtigii uu Mucaaridka ahaa ee Uu Dalka Xukumayay Madaxweynihii ka horeeyay ee Daahir Riyaale,Waxa Uu Bulshada U Sheegi Jiray Inaan Sharciyan Dal Aan La Aqoonsayn Aan Laga Soo Saari Karin Shidaal,Ama Laga Samayn Karin Sahamin Shidaal,Shalay Waxa Uu Soo Furay Sahaminta Shidaalka,Walina Somaliland Lama Ictiraafsana,Madaxweyne Siilaanyo Shalay Iyo Maanta Midkee Ayuu Saxan yahay”?
Markii ay Su’aashaasi ka soo dhamaatay Afka Wariyaha,Waxa dagaal iyo Aflagaado bilaabay Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Xuseen Deyr,Waxa uu sameeyay buuq, waxaanu weerar toos ah ku qaaday Wariyihii Su’aasha waydiiyay, isagoo dafiray inaanu Madaxweyne Siilaanyo wakhtigii uu Mucaaridka ahaa ku hadal hadalada noocaasi oo kale ah,waxaanu ugu hanjabay Wariyihii Su’aashaasi waydiiyay inuu cadayn doono halka uu hadalkaasi ka keenay iyo goorta uu Siilaanyo Hadalkaasi yidhi,waxa uu sidoo kale u hanjabay Wariyaashii kale ee goobta ku sugnaa isagoo muuqaal ahaan isbadelay islamarkaana iska cadhaysiiyay.Waxa ay arintaasi keentay inay Wariyayaashii halkaasi ku sugnaa go’aan qaataan islamarkaana ay iyaga laftoodu ka Xumaadaan qaabka anshaxa ka baxsan ee uu Afhayeenkii dhamaa ee Madaxtooyaddu u dhaqmay islamarkaana uu u ixtiraami waayay Suxufiyiinta gudanayay Hawl maalmeedkooda,Waxaanay arintaasi aakhirkii keentay inaan la baahin warkaasi iyo gabi ahaanba Warka ku saabsan soo laabashada Waftiga Madaxweynaha ee Doraad ku soo guryo noqday Hargeysa taasi oo ay talaabo isku mid ah ka qaateen Tv-yada iyo Jaraa’ida intooduba.
Illo Wareedyo aanu ka helnay Madaxtooyadda ayaa noo xaqiijiyay in Afhayeenka lagu canaantay sababta Warbaahinta looga waayay Soo laabashada Waftiga Madaxweynaha ee ay u baahin waayeen Tv-yada madaxa banaanin,Waxaanu xili dambe habeen hore dhex jibaaxay Xarumaha Warbaahinta siiba muuq baahiyayaasha,talaabadaasi oo aanay waxba uga fulin balse uu kala kulmay Waji gabax. Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa soo kordhaya sii kalal fogaanta Xidhiidhkii ka dhexeeyay Warbaahinta madaxa bannaan iyo madaxtooyada, tan iyo intii uu Xilkaasi ku soo noqday ama dib loogu soo celiyay Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) oo ah shaqsi aan ku wanaagsanayn xidhiidha Dhinaca Saxaafada.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...