Dahabshiil Oo Dacwad Maxkamadeed Ku Furtay Doowlada Kenya

Xawaalada Dahabshiil oo kamid ahayd Xawaaladihii ay Doowlada Kenya Xayiraada dul saartay, ayaa dacwad Maxkamadeed ka gudbisay Dowlada Kenya.

Sida ay xaqiijiyeen qareenada u doodaya, shirkadda xawaalada iyo bangiga Dahabshiil ayaa dacwad maxkamadeed ku bilawday dawlada Kenya maalintii shalay taasoo maxkamada lagu weydiisayo inay go’aan adag ka soo saarto xayiraada xisaabaadkeeda.

Dacwadan ay bilawday shirkadda Dahabshiil ayaa la sheegayaa in maxkamadu go’aan uga gaari doonto illaa 29-ka bisha Meey ee sanadkan.

Dahabshiil ayaa qabsatay qareenno waaweyn oo si aad ah looga yaqaano dalka Kenya, kuwaasoo diyaariyey dacwad eedeyn ah oo haddii lagu helo dawlada Kenya ku qasbaya inay dib u furto xisaabaadka xawaaladan kuna qasbaya inay dawlada Kenya bixiso lacag magdhow ah oo aan cadadkeeda la sheegin.

Waxyaabaha Dahabshiil ku dacwooneyso waxaa ka mid ah in xisaabaadkeeda la xiray iyadoo wax dembi ah oo lagu heley jirin iyo in si sharci darro ah oo loo xiray xisaabaadkii ay ku lahayd Bangiga Dhexe ee Kenya oo hanti fara badan u taallo.

Xog ay Xogtamedia ka heshay qareenada u doodaya Dahabshiil ayaa sheegaya in laga yaabo in kiiskan dheeraado, isla markaana uu meel adag la gaaro dawlada Kenya.

Haddii kiiskan uu guuleysto, halkaasi kuma ekaan doonto ee waxay irdaha u sii furi doontaa shirkado iyo shakhsiyaad gaaraya illaa 86 oo xisaabaadkooda la xiray 8-dii April ka dib markii dawlada Kenya ku andacootay inay taageeraan kooxaha argagixisada kadib weerarkii dad ka badan 148 ku dhinteen ee Al-Shabaab ku qaaday xarunta Jaamacadda magaalada Gaarisa. (99)

Comments

comments