Somaliland: “Ceel-biyoodka Sallaxley kii diiddanaa baa ugu hor cabbaya, qof aynu cuqdad u qabnaana ma jiro

Date:

Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse), ayaa  ka hadlay manfaca  biyood ee laga helay rig-biyood laga hirgeliyey deegaanka Sallaxley ee gobolka M/jeex oo waqtigii dhagax dhiggiisa ay muran iyo dhibaato badani ka dhacday.

Wasiir Cukuse  oo shalay ka hadlay munaasibad Riiggaas xadhigga lagaga jaray, ayaa sheegay inaan biyaha ceelkaas kasoo baxay laga hor joogsan doonin kuwii diiddanaa xilligii la dhagax dhigayey, isla markaana ay noqon doonaan cidda ugu horraysa ee cabta,    “Ceel-biyoodka Sallaxley kii diiddanaa baa ugu hor cabbaya, qof aynu cuqdad u qabnaana ma jiro, ninka diidanina

wuu u baahnaa, laakiin inuu fahmo buu u baahnaa,” ayuu yidhi wasiir Cukuse.

Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir waxa uu sheegay inay umadda iyagu xukuumad u yihiiin, isla markaana u dulqaadanayaan, waxana uu diiday in lasoo qodqodo wixii lasoo dhaafay iyo xurgufihii dhacay, waxana uu yidhi, “Dadka annagaa u dawlad ah oo waanu dulqaadanaynaa, mana jecli qof ka sheekeeya beri baa meeshaas la isku dilay, ciddii dhaawacantay magteedii annagaaba bixinay.”

Riig-biyoodka laga hirgeliyey deegaanka Sallaxley, ayaa biyo macaan keenay, waxana lagaga bixi doonaa harraadkii iyo surmigii deegaamadaas ka jirey, waxana shacabka deegaanku tallaabadaas uga mahadnaqayaan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...