Fadeexadda Oodweyne Shaambad Madow Ku Noqon Doonta Wasiir Xuseen-ka Macdanta Ee Jar iska-xoornimada Ku Maamulaya Hawlaha Shidaal-baadhista
Shacabweynaha ku dhaqan deegaanka Oodweyne ee gobolka Daad-madheedh, ayaa shalay isugu soo baxay mudaharaad ballaadhan oo ay ku diidan yihiin farsamoxumo iyo gacan-togaalayn ay ka tirsanayaan wasiirka macdanta Md. Xuseen Cabdi Ducaale, waxana ay shaaca ka qaadeen inaanay aqbali doonin shidaal baadhis madmadow badani hadheeyey oo uu wasiirkaasi ka wado goobo ay Oodweyne ku jirto.
Shacabka mudaharaadayey oo qaybaha kala duwan ee bulshada ee ragga, haweenka, waayeelka iyo carruurtaba isugu jirey, ayaa badhtamaha magaalada isugu soo baxay, waxana ay madaxweynaha ka codsadeen inuu arrintooda hoos u eego, isla markaana ka qabto wasiirka tiisu u caddahay ee sida macangagnimada ah ula dhaqmaya sida ay hadalka u dhigeen.
Qaar kamid ah waayeel reer Oodweyne oo iyaga oo dibad-baxa ku dhex jira warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inaanay aqbali Karin nidaamka uu wasiirku wax u wado, waxana ay madaxweynaha xusuusiyeen codkii halkaas laga siiyey xilligii uu madaxtinimada u tartamayey,“Macdan la gurto dooni mayno, shidaal baadhis been been ah oo khayraadkayaga lagu guranayona diyaar uma nihin, madaxweynahana waxanu leenahay naga qabo ninka khalkhalka ku haya magaaladii Oodweyne ee lagaa doortay, dhulkayagiina waa la xasuuqayaa oo dhirtii aanu ku noolayn baa la baabi’inayaa,” sidaas waxa yidhi mid kamid ah waxgaradka gobolka Daad-madheedh oo mudaharaadka ka qayb qaadanayey.
Dadweynaha reer Oodweyne, ayaa horeba u sheegay inaanay aqbali doonin tallaabooyinka sahaminta shidaalka lagaga samaynayo deegaannadooda, iyaga oo ku andacoonayey inay caddaalad-darro dhinaca shaqada ah ka tirsanayaan wasiirka macdanta, isla markaana dadkii deegaannadooda kasoo jeeday loo diiday shaqadii ay xaqa u lahaayeen.
Dhammaanba gobolladii shidaal baadhista laga waday waxa sidan oo kale uga dillaacay is af-garan waa u dhexeyaa wasiirka iyo shacabka deegaanadaas ku nool, waxana xusid mudan inaanay jirin goob kali ah oo uu wasiirkaasi ku guulaystay in laga sameeyo baadhis shacabku raalli ka yihiin, iyada oo sababtana loo tirinayo hawlaha sahaminta oo uu wasiirku qoorta kaga duuban yahay iyo kharashaadkii loogu talo galay in bulshada lagu wacyigeliyo oo aanu sidii loogu talo galay u maamulin.