Raysal wasaaraha dalka Maamulka Muqdisho Muddane Xassan Cali Khayre oo maanta khudbad ka hor jeediyey baarlamaanka dalkaasi ayaa waxaa uu wacad ku maray in ay xukuumadiisu geed dheer iyo geed gaaban ba ku fuuli doonto sidii loo mideyn lahaa Somaliland iyo Maamulka Muqdisho

Sidoo kale Raysal wasaaraha ayaa waxaa uu sheegay in ay xukuumadiisu ka midho dhalin doonto wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo hada hakad ku jira