Somaliland: Maxa Iska Badalay Mudadii Wasiir Cali Mareexan Maamulayey Wadooyinka Jsl?

Date:

Mudadii Uu Wadooyinka Maamulatay Wasiir Cali Hassan Waala Ogyahay Waxa Qabsoomay, Qoraxdana Sacab Laguma Qarin Karo.

Sida aan saxaafada badhkeed ka dheehanayay waxa ku jiray hadal u eeg fikir shaqsi qoray lakin mareegaha qaar u isticmaaleen sidii “WAR”, Taaso aan odhan karo waa aqoon daro haysata saxaafada manta oo an kala saari karin MAQAALKA iyo WARKA , waxana ciwaan looga dhigay “KHASAARAHA ROOBKU WADOOYINKA GAADHSIIYO OO BILAABMAY IYO WASIIRKI HOWLAHA GUUD OO LA LAYAHAY”, Cajiib weeye runtii waana wax lala yaabo.

Wasiir Cali Hassan horta lama la’ee wuu jooga waanay arki kartaa cidii u baahani waxanu saaka oo u danbaysay fadhiyay xafiiskiisa sida u caadada oo uu soo galo 7:00 am subaxnimo waxanu malin walba ka rawaxaa 12:00 duhurnimo oo manta oo u danbaysay uu ka rawaxayay, wasiir Cali Hassan Maxamed waxa la odhan karaa waa shaq siyaadka golaha wasiirada ku jira ka ugu badan wakhtiga uu ku qaato xafiiskisa iyo kiisa labaad ee uu ku leyahay Wakaalada Wadooyinka Qaranka, waana mid ay ka markhaati yihiin guud ahaan bulshada halka ugu timaada ee shaqooyinka u socda oo badhkood marmarka qaar ku xantaan in Wasiir Cali Hassan shaqadiisi iyo tii maaraynta siyaasada guud madama ay badantahay samxada iyo mashquulka wasaaradu sida xata ay qirayaan shaqaalaha waynaha wasaarada oo ku sheegaya in aanay mashquulka iyo shaqada arag intii ay halka ka shaqaynayeen oo badhkood gaadhaysa intii qarankani dib u galay yagleelka 1991 ila manta.

Hadaba aan usoo daadagno wixii hirgalay mudada wasiir Cali xukumayay Wasaarada Howlaha Guud iyo Wakaalada Wadooyinka Qaranka “RDA” , Gaar ahaan wixii uu ka qabtay Wadooyinka dalka !

Waxa hir galay oo la qabtay , Wadada ceerigaabo oo marku la wareegay ahayd 24 Km oo laamiya iyo 60 km in ku dhow oo caratuur kala ah heerarka sarfay ama dabaqada koobad ama ta labaad , waxa manta ay marayso iyo sida xaalkedu yahay ee dadku ka wada war qabaa waa in ka badan 110 Km oo laamiya iyo guud ahaan inta kalo 150 ka midi diyaar u yihiin in jayga la dhigo halka inta soo hadhay oo ku dhow 35 Km-na ay marayso heerarka caratuurka ee kobaad iyo labaad, aan kaso gudbo wadada ceerigaabo ee hada ah gaba-gabada aanan odhan ba karo mar horay dhaman lahayde waxa dib u riixay abaarihii inagu dhacay qaran ahaan oo saameyn dhaqaale iyo bid biyoodba ku yeeshay howsha.

Wadooyinka kale ee hir galay waxa ka mida wadada Berbera ilaa Hargeisa oo markii hore joogtay xamaar mantana la marinayo casriyaynteedi iyo hagaajinteedi iyo la isticmaalayo qaabka dhabaha isku mishiinku isku laaqo daamurka iyo jayga oo ah ka ugu qaalisan ee manta dunido dhan la isticmaalo waxanay maraysaa magaalada dacar budhuq oo ay ugasii soconayso dhanka Hargeisa dhawaana la dhamayn doono.

Waxa sido kale ka mida wadooyinka hirgalay ee qaabka casriga loo isticmaalay wadada Dila ilaa Kalabaydh, wadada oo ahayd ta isku xidha magaalooyinka Hargeisa iyo Boorama oo intaasi ahayd intii ugu dhibka iyo rafaadka badnayd manta waxa laga dhigay mid casriya oo waliba madama ay meeshu tahay meel ciid jilicsan oo ciidi beeraha waxa casharo laga bartay wadada la midka ee Kalabaydh ila Wajaale oo la mida darteed tan la suurta galiyay in xaga hoose lagaso dhiso oo xata la isticmaalay dhagax iyo sibidh si loo adkeeyo loona raajiyo cimriga wadadan oo dhan 21 Km ayna ku baxday lacag ka badan $ 2.5 Million, lacagtaasi hadii la isticmaali laha qaabki loo dhisay wadada Wajaale oo ka horaysay wasiir Cali waxay dhisi lahayd in badan 50 km oo wadada laysku daadiyo jayga iyo daamurka ah wuxuse wasiirku u doorbiday qaabkan qaliga si aanay mudooyinka dhow ugu baahan dayactir noocu yahay ba.

Hadaba aan uso noqdo wadooyinka dayactirku iyana ka suurta galay ! Waxa ka mida wadada Burco ilaa Laascaanood oo lagu sameeyay Geedo goyn madama wadada dhirtu soo gashay ayna sababtay shilal madama ay gaadiidkii isu qariyeen , waxa ka mida Biriishka burco oo aad ogaydeen qaabki biyuhu u galeen kal hore oo lagu sameeyay dayactir kii ugu adkaa ee lo sameeyo mudadii uu jiray ee ka badnayd 40 ka sanno , Waxa iyana ka mida meelaha la dayactiray Tiraba sedexda biriish ee ugu balaadhan inta u dhaxaysa magaalooyinka BURCO Iyo BERBERA sida Dubur, Kalajab iyo Buundada Hudisa oo mudo aan dayactir lagu samayn lana mari jiray meel jar ahayd oo xata ku adkayd gaadiidka raran ee waawayn, Waxa sido kale ka mida Biriishyada jiifa “Irish Biriish” u dhaxeeya BERBERA Ilaa HARGEISA kuwooda xeebta soo xiga oo daadadku jareen in ku dhow Haad lana isticmali jiray haadka midig oo qudha lana kala sugi jiray madama an laysku dhaafi karayn mantana aad ka warqabtaan qaaabka ay yihiin iyo howsha adag ee laha qabtay, Waxa sido kale suurta galay oo la dayac tiray Wadada WAJAALE ilaa KALABAYDH oo daadadku saameeyen madama aanay lahayn biyo tuurayaal ku filan dhaawac culusna kaso gaadhay waxa iyana laga hirgaliyay biyo tuurayaal cusub iyado dibna loo dhisay lana dhameeyay roobabki kal hore ka bacdi.

Waxa intaaba dhinac socda dayac tirada ka hirgalay guud ahaan wadooyinka dalka noociisa lo yaqaan buuxinta godadka iyo faruuranka oo iyagu ah kuwo aan hadh iyo habeen laga nasan guud ahaan dalka.

Salacalee hadaba idinkaan idiin dhiibe bulshooy dadka qoraya waxad arkaysaan ee saxaafada ku jira maxaynu ku tilmaami karnaaa ? Ma cadow qarankani leeyo neceb horumarkiisa ? Ma kuwaynu maqli jirnee dhaameelku dilooda ? Mise waaba door cusub kuwa wadoo isleh qaabkan wax ku saxaa ?
Jawaabta idinkaan idiinka tagaya dibna waydun noogasi bal waxay idinla noqoto !

Qoraalkan mid ka faahfaahsan oo wata arag maqalkiisi waxad iga sugtaan dhawaan hadii Alle idmo.

Mohamed Ahmed
“RDA” Community Cordinator.
HARGEISA/SOMALILAND.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...