Somaliland: Buubaa Oo Siyaasiyiinta Somaliland Ku Waaniyay Inaanay Isticmaalin Inay Somaliland Ka Go’day Somaliya 1991

Date:

Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) ayaa siyaasiyiinta Somaliland uga digay hadalada jaban ee ay sheegaan ee ah in Somaliland ka go’day Somaliya sannadkii 1991, waxaanu taas ku tilmaamay sharci darro, isagoo xusay in Somaliland aanay Somaliya ka go’in ee ay kala soo noqotay xorriyadeedii lixdankii.

Md. Buubaa, oo hadalo koob-kooban ku qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu siyaasiyiinta Somaliland uga digay faafinta hadaladaas oo ah kuwo jaban  “Doodda jaban ee ku saabsan Somaliland, waxa inta badan faafiya siyaasiyiinta Somaliland oo meelahaas ka sheega in Somaliland ka go’day Somaliya bishii May ee sannadkii 1991.” ayuu yidhi Buubaa oo intaas raaciyay “Hadalada aan jirin ee  ah in Somaliland ay tahay gobal ka go’ay  Somaliya, waxay ka soo horjeedaa Midowgii Somaliland iyo Somaliya ee 1961 ee ay ku midoobeen laba dal oo xor ahaa.”

Buubaa oo qoraaladiisa sii wataa wuxuu yidhi  “Hadaladani la sheegayo ee ah in Somaliland ka go’day Somaliya, waxay ka soo horjeedaan madaxbanaanidii Somaliland ay heshay sannadkii 1960. Sidaas darteed, hadalada siyaasadeed ee lagu sheego inay Somaliland tahay gobal ka go’ay Somaliya gebi ahaanba waa khalad, waana in la saxaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...