Somalia: Cudsi Nooc Ah Ayuu U Gudbiyey Madaxweyne Farmaajo Baarlamanka Somaliya

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka dalbaday Baarlamaanka Soomaaliya in aysan is hor-taag ku sameyn Golaha Wasiirada cusub ee uu dhowaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, kaddib booqasho uu ku tagay dalka Kenya ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee ka taagan ansixinta Xukuumadda iyo cabashada ay ka keeneen illaa 105 Xildhibaan oo doonaya in wax ka bedel lagu sameeyo, lana saxo awood qeybsiga.

Farmaajo ayaa wareysi uu siiyay wakaalada wararka ee Soomaaliyeed ee SONNA sheegay inuu isagu taageeray Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Kheyre, isagoo tilmaamay xubanah la magacaabay ay yihiin dad aqoonyahano ah, khibradna u leeyihiin shaqada, ayna ku jiraan dad horay u soo shaqeeyay.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa Sabtidii la soo dhaafay warqad u qoray Ra’iisul Wasaaraha, isagoo ka dalbaday in wax ka bedel lagu sameeyo Golaha Wasiirada, si loo saxo qaabka awood qeybsiga, waxaana qoraalka uu u diray Ra’iisul Wasaaraha ku lifaaqnaa qaraar soo jeedin ah oo ka timid illaa 105 Xildhibaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...