Somaliland: Oo Soo Saartay Go’aan Ku Soo Beegmay Diyaarado Dagaal Oo Maalmihii U Dambeeyay Dul-haadayey Caasimadda Hargeysa

Dawladda Somaliland, ayaa Digniin u dirtay Diyaaradaha aan Ruqsadda ka haysan ee soo fadhiista Garoomada Diyaaradaha ee Dalka ku yaalla.

Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in Somaliland aanay dammaanad qaadanaynin Nabadgalyada Diyaaradaha iyaga oo aan Ruqsad ka haysan soo fadhiista Garoomaha Diyaaradaha Somaliland.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dhammaan Diyaaradaha waxaanu ku War-gelinaynaa, ama Nairobi ha joogaan, ama Halkan ha joogaan in aanay ka soo degi karin Garoomada Jamhuuriyadda Somaliland Diyaarad aan Ruqsad ka haysanin Somaliland. Waxaanu u sheegaynaa Shirkadaha Diyaaradaha in aanaan Damaanad-qaadanaynin Nabadgalyadooda iyo bad-qabkoodaba hadday isku dayaan inay ka soo degaan Garoomada Somaliland (Iyagoon Ruqsad ka haysanin Somaliland).”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Somaliland way u Madax-bannaan tahay Xuduudkeeda Badda, Hawada iyo berigaba…” ayuu yidhi.

Wasiirku ma faahfaahin waxa Xilligan keenay Digniintan uu soo saaray, laakiin hadalkiisan ayaa imanaya Maalmo uun ka dib, markii Diyaarado la sheegay inay yihiin kuwa Qumaatiga u kaca ee Dagaalku ay soo fadhiisteen Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa.

Comments

comments