Madaxweynaha Khaatumo Pro. Cali Khaliif Galeydh, ayaa in ay sii socon doonaan wada hadalkii u dhaxeeyay Somaliland iyo Khaatumo, wax burbura oo ku yimidna aanu jirin,
Cali Khaliif isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Wadahadalkii Jabuuti ee Khaatumo iyo Somaliland ma burburin, waa been Kuwa qurbajoogtu ee leh arintaasi, waxayba noqdeen cudurka noogu wayn, mana bur-burayaan, waana ka bogan doonaa “
Dhinaca kale wuxuu sheegay inaysan shacabka Khaatumo waxayna rabin oo aan u cuntaymin uma keeni doonin, sidoo kalana wuxuu sheegay inaysan madaxda khaatumo wax xil ah ka doonayn Hargeisa.“Wax Hargeisa yaala oo aan ku Qancayo ama Hunguroonayo ma Jiraan, Waxa Qudha ee aan ku Qanci Karnaa waa Nabad aan ku wada Noolaano, oo isla Baadh-baadho waxyaabaha aynu isla Ogolnahay, Taasina Wakhti ayay Qaadanaysaa” . Ayuu yidhi.