Wasiirkii hore ee wasaarada Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac ayaa waxaa uu xukuumada Siilanyo ugu baaqay in aanay wakhti iyo hanti aanay ku luminin wada hadalada lagula jiro kooxda Cali Khaliif oo uu sheegay in aanay laheyn macno buuran oo siyaasadeed .
Mr Baashe ayaa isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya la soo xidhiidhay wargeyska geeska Africa , waxaana xukuumada ugu baaqey in la fuliyo heshiisyadii Awr Boogeys ee wasiirada iyo xildhibaanadu ay saxeexeen isla markaana deeganada Dhul bahante laga fuliyo wax qabad iyo gurmadka Abaaraha
” Waxaan doonayaa in aan ka hadlo waa tii la heshiiyey ee shirka dib u heshiisinta lagu qabtey Awar Boogeys , Somaliland deegankii Dhulbante wey joogtaa oo ilaa taleex ayeynu geynay , madaxweynaha ayaa laba goor Laascanood tagey xudun waa kii tagey wax hadda taagan oo laga wada hadlo oon aheyn waxii lagu heshiiyey in la fuliyo meesha ma yaaliin ee raga lala gogortamaayo oo cusub ma nihin ” ayuu yidhi
Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi
“Qoladan Cali Khaliif waa niman aan awood laheyn oo Buuhoodlihii ay joogeen dadkii degenaa dan u arki waayeen oo wey iska soo saareen markaas tacabkan iyo qorshahan la galinaayo ee kolba Djabuuti lagu sii yaacayo waxay aheyd i deeganka la galiyo oo wax loo qabtaa oo la fuliyo heshiiskii Awar Boogeys ” ayuu yidhi
Ugu Danbeyn Ex Wasiir Baashe Cali Jaamac ayaa waxaa uu ka hadley cidda mashruuca Khaatumo wadata waxaana uu yidhi
” Naman Mamay oo xukuumada ku jira oo dan gaar ah oo shakhsi ay ugu jirto aan dan guud oo Somaliland iyo dhul bahante ahna aan wadin ayaa hawshaas wada odayguna [ Cali Khaliif ] waabuu hadalo nin soo jeeda oo wada hadalkan iyo inuu yimaado diyaar u ah ma aha ” ayuu yidhi wasiir Baashe Cali Jaamac