Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hadda u muuqata inay dhadhamisay natiijada qadhaadh ee ka dhalatay dib u dhaca doorashooyinka iyo muddo kordhinta laba goor loo sameeyay Madaxweyne Siilaanyo.
Beesha caalamka oo dhawr goor si adag uga digtay dib u dhaca iyo muddo kordhintu cawaaqibka xun ee ay ku keeni karaan Somaliland, balse ay xukuumadda Somaliland iska dhego marisay, ayaa hadda u muuqda inay qaadeen talaabooyin jawaabo ah, kuwaas oo isugu jira diblomaasi ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Dabayaaqadii bishii January ee sannadkan Beesha caalamka ayaa soo saartay baaq ay kaga digaysay dib u dhaca doorashada iyo muddo kordhinta “Iyada oo ka go’aan ahaan bulshada caalamka inay taageeraan horumarka togan oo ay sameeyaan dadka reer Somaliland ay tahay weli mid aan waxba iska bedelin, hadana dhaawaqan u danbeeyey ee doorashooyinka dib loogu sii dhigayo waxaay ku qasbaysaa bulshada caalamka inay eegaan saamaynta ay ku yeelan doonto xidhiidhka iyo wada shaqaynta aanu la leenahay dawladda Somaliland.” Hadalkaas digniinta iyo dardaaranka ah ayay beesha caalamku tidhi.
Mar labaad ayay beesha caalamku bishan March soo saartay baaq kale oo ka adag kuwaas hore, Baaqan ayaa lagu yidhi “Sumcaddii iyo aaminaadii lagu qabay Somaliland wuxuu go’aankani u gaystay nabar kale oo wayn. Somaliland waxaay khatar ugu jirtaa inay lumiso dareenkii u soo jeeday ee caalamiga ahaa ee ay ka heshay bulshada caalamka ee sida ka go’naanshaha ah isku garab taagtay sababta oo ah jiritaanka dimoqraadiyad soo koraysa.” Baaqan waxa kale oo lagu sheegay inay Somaliland lumisay fursado maalgashi.
Haddaba, xukuumadda Somaliland ayaa baaqyadan beesha caalamka waxa ay xukuumadda Somaliland kaga jawaabay war-murtiyeedka ay ku difaacayso sababaha keenay dib u dhaca doorashada iyo muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Siilaanyo.
Laakiin toddobaadkan ayaa waxa soo shaac baxay laba qodob oo jawaab u ah go’aamada mudada loogu kordhiyay Madaxweyne Siilaanyo. Wadamo ka mid ah dalalka taageera Sanduuqa horumarka Somaliland ee SDF ayaa joojiyay lacagtii ay ku soo shubi jireen sanduuqan, gaar ahaan dawladda Denmark oo ahayd dawladda ugu badan sanduuqan.
Safiir-xigeenka Ingiriiska u qaabilsan Soamliland iyo Somaliya danjire Andrew Allen oo isna saxaafadda Hargeysa kula hadlay Salaasadii toddobaadkan, ayaa Hargeysa kaga dhawaaqay inay Somaliland muddo kordhinta iyo dib u dhaca doorashada darteed ku weyday fursadii ay kaga qayb geli lahayd shirka Ingiriisku Somalida ugu ururinayo dhaqaalaha ee bisha May lagu qabanayo dalkaas Ingiriiska.
Ingiriiska ayaa sheegay in shirkaasi iyo ka qayb galka Somaliland uu Somaliland u ahaa fursad muhiim ah oo diblomaasiyadeed iyo dhaqaaleba. Somaliland ayaa shirkii London ee Somalida ee 2012 ka qayb gashay iyadoo ay goob-joog ahaayeen wefti uu Madaxweyne siilaanyo hoggaaminayay, waxaana Somaliland ka soo galay faa’iido dhaqaale iyo faa’iido siyaasadeed. Sababta Somaliland wakhtigaas u sahashay inay shirkaas ka qayb gasho ayaa ahayd natiijadii doorashadii madaxtooyada oo si nabad ah u dhacday iyo xil wareejintii sida nabadgelyada leh uu Madaxweynihii hore Mr Rayaale ugu wareejiyay Madaxweyne Siilaanyo.
Si kastaba ha ahaate, Somaliland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo, waxa hadda u bilaabmay wejiyadii hore ee dagaalada diblomaasiyadeed ee ka dhashay muddo kordhinta iyo dib u dhaca doorashada, waxaana la arkay midhaha laga dhaxlay dib u dhaca nidaamka dimuqraadiyadeed.