War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefti Uu Hoggaminayo Oo La Filayo Inay Gobaladda Barriga Sl,,,,

Waxaa hada ciidamo badan oo Boolis ah la soo dhoobey wadada halbawlaha ah ee caasimada Hargeysa taas oo hor marta madaxtooyada Somaliland

Sababta loo xidhay wadadan isla markaana ciidamada loo soo dhoobey ayaa waxaa ay tahay madaxweyne Siilanyo oo la filaayo in uu goor dhaw safar ugu baxo gobalada Bariga Somaliland oo soo mari doonan wadadan

Ujeedka madaxweyne Siilanyo ugu baxaayo gobalada Bari ayaan ilaa hada aan cadeyn balse xogo ay ka heleyso shabakada Wargane.com ayaa waxaa ay sheegayaan in ujeedkaasi yahay arimaha shidaal baadhista iyo  abaaraha , waxaana uu madaxweyne gaadhi doona ilaa magaalada Caynaba ee gobalka Saraar

Comments

comments