Waxaa hada ciidamo badan oo Boolis ah la soo dhoobey wadada halbawlaha ah ee caasimada Hargeysa taas oo hor marta madaxtooyada Somaliland
Sababta loo xidhay wadadan isla markaana ciidamada loo soo dhoobey ayaa waxaa ay tahay madaxweyne Siilanyo oo la filaayo in uu goor dhaw safar ugu baxo gobalada Bariga Somaliland oo soo mari doonan wadadan
Ujeedka madaxweyne Siilanyo ugu baxaayo gobalada Bari ayaan ilaa hada aan cadeyn balse xogo ay ka heleyso shabakada Wargane.com ayaa waxaa ay sheegayaan in ujeedkaasi yahay arimaha shidaal baadhista iyo abaaraha , waxaana uu madaxweyne gaadhi doona ilaa magaalada Caynaba ee gobalka Saraar