Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa caddaysay inaanay wax dacwad ah iyo fulin ah midkoodna diiwaanka maxkamadda ugu jirin shirkada Prime Somaliland iyo Suldan Limited LTD.
Warbaahinta qaar ka mid ah ayaa qorey in maxkamadda Hargeysa ay go’aan xukun ah kasoo saartay dacwad u dhaxaysay shirkadda Prime Somaliland iyo ganacsato Carbeed.
Hase’yeeshee maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa caddaysay inaanu jirin wax xukun ah ama fulin ah oo kasoo baxaya dhinaca garsoorka,maxkamadda ayaa caddayntan dacwadeed soo saartay kadib markii uu Mr Maxamed Xasan Ismaaciil (Xamaada) uu qortay Codsi dalab cadayn ah iyada oo ay qaareenadiisa oo kala ah Barkhad Jaamac Aare iyo Sacad Yaasiin maxkamadda ka dalbadeen inay warkaasi cadayso.
Qoraalka maxkamadda oo lagu socodsiiyey gudoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi-jeex isla markaana ay ku saxeexnayd Warda Maxamed Cilmi oo ah kaaliyaha sare ee maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa waxay u dhignayd sida tan.
“Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa iyadoo tixraacaysa qoraalka codsiga ah ee ku taariikhsan 20.03.2017 ujeedadiisuna tahay codsi xaqiijin dacwadeed ama xukun oo uu maxkamadda usoo gudbiyey qareen Barkhad Jaamac Aare iyo qareen Sacad Yaasiin, Sidoo kalena tixraacaysa qoraalka Qalinka ee gudoomiyuhu usoo gudbiyey xafiiska Kaaliyaha Sare si loogu baadho diiwaanka dacwadaha lagu diiwaangaliyo. Hadaba gudoomiye markaanu baadhnay diiwaanka dacwadaha madaniga ah ama fulinta ee maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex,dacwadda ama magacyada Maxamed Zaa’id Abu Shareif ee ah shirkadda Prime Somaliland Iyo Suldan Limited LTD magacyadaas ama dhinacyadaasi waxaan cadaynayaa in aanay ku jirin diiwaanka dacwada madaniga ah iyo fulinta ah ee maxkamadda Maroodi-jeex”.
Geesta kale ganacsade Maxamed Xasan Ismaaciil (Xamaada) ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu baahinta wararkaasi ka dhan ah shirkada Prime Somaliland ku eedeeyey xildhibaan Cabdicasiis Dhul-cun oo uu sheegay inuu wargeyska Waaheen u geeyey warkaasi.Qoraalka Mr Xamaada ayaa u dhignaa sida tan
“Tixraac qoraal kasoo baxay wargeyska Waaheen soona baxay maalinimadii Axadda ee taariikhdu ahayd 20.2.2017 kana hadlayey xil wareejin Kambani saamiga ugu badan uu leeyahay Maxamed Xasan (Xamaada) magaciisuna yahay Prime Somaliland kana diiwaangashan dalka Somaliland,kaas uu wargeysku qorey in maxkamaddu ku wareejisay niman Carab ah loona samayn doono munaasibad xil wareejin ah sida wargeysku qorey. Kadib waxaanu tagnay maxkamadda gobolka Islamarkaana waydiinay gudoomiyaha inay jirto warqad xilwareejin ah oo kasoo baxday xagooda,waxaana uu amray gudoomiyuhu in arrinkaasi lasoo baadho,baadhis ka dibna maxkamaddu waxay cadaysay inuu yahay been abuur aan sal iyo raad toona lahayn.Kadib waxaanu waraysanay gudoomiyaha wargeyska Waaheen,waxaanuu noo sheegay in uu lasoo hadlay ninka la yidhaahdo xildhibaan Cabdicasiis Dhul-cun laakiin wax dhukumanti ah oo loo keenay aanu jirin laakiin warbixintaasi uu siiyey xildhibaan Cabdicasiis Dhul-cun.Waxaana halkan ku cad warqadda qoraalka ah ee maxkamaddu ku cadaynayso inaanay jirin qoraal kusoo baxay wargeyska Waaheen oo maxkamaddu ay wax ka og tahay”.