La-taliyaha arrimaha doorashooyinka ee Madaxweynaha Somaliland, Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cllaahi-Jawaan), ayaa sheegay inaan wakhtigan loo baahnayn welwel iyo walaac laga muujiyo inay doorashadu muddada cusub ee loo qabtay ku qabsoomi karto iyo in kale, maaddaama oo ay Xisbiyada Siyaasadda, Guddiga doorashada iyo Xukuumaddu isku raaceen in abaarta awgeed dib loogu dhigo doorashada muddo lix bilood ah, taas oo ay Guurtiduna kordhisay muddo siddeed bilood ah.
Waxaanu Cabdillaahi-Jawaan naqdiyey Khudbad Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro ka jeediyey Xarunta Falanqaynta Siyaasadda Caalamka ee Chatham House oo ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska. Waxa uu La-taliye Jawaan sheegay in Guddiga doorashooyinka ay masuuliyaddooda tahay qabashada doorashada Madaxtooyada Somaliland.
“Qaran baynu nahay oo waxaynu goosannay wakhti doorashada loo qabtay, waxaa isku raacay Saddexda Xisbi iyo Guddiga doorashooyinka, Golayaasha iyo Guurtiduna way gooyeen oo way ansixiyeen muddo kordhin ay sameeyeen. Markaa, wax iyada oo aan wakhtigiiba la gaadhin hadda laga calaacalo maaha, wax ku habboonna maaha wakhtigan immika. Markaa, waa inaynu wakhtigeeda sugnaa. Komishanka doorashada ayey ku xidhan tahay inay qaban karaan iyo inaanay qaban karayn xilliga loo qabtay doorashada, ciddii kale ee ka hadasha oo dhami waa cid iska farogelinaysa. Markaa, Anigu waxaan leeyahay Komishanka doorashada shaqadiisa halloo daayo.” Sidaa ayuu yidhi La-taliye Cabdillaahi-Jawaan oo waraysi siiyey Shabakadda Hadhwanaangews.com oo aannu warkan ka soo xigannay.
Cabdillaahi-Jawaan, waxa uu sheegay in shalay oo ay bishan Maarso ama 3-aad ahayd 21 in ay ku beegnayd kawda bisha Seermawaydo loo yaqaanno oo uu sheegay inay tahay bisha koowaad ee bilaha Gu’ga, sidaas awgeedna la filayo sida Cirku u tusan yahay in Raxmaadka Allaah innoo shubo. Waxaanu soo jeediyey inaan laga dardaar-warin Nimcada Illaahay laga sugayo oo aan shaki laga sii muujin in wakhtiga doorashada Madaxtooyada loo qabtay ee 13 bisha 12-aad ee sannadkan 2017-ka ee aynu ku jirno oo ku beegan xilli ama wakhti Dayr ah.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa Arbacadii Khudbad ka jeediyey Xarunta falanqaynta Siyaasadda dunida ee Chatham House oo ku taalla magaalada London ee waddanka Britain oo lagu casuumay, taas oo uu arrimo badan oo uu kaga hadlay ay ka mid ahaayeen inuu ka sheegay in isaga iyo Xisbigiisu ka soo horjeedaan Saldhigga Millateri ee Somaliland Imaaraadka Carabta ka siisay Berbera oo ay u arkaan inaan dan badani ugu jirin Somaliland iyo sidoo kale kor u kaca musuqmaasuqa oo uu sheegay haddii uu talada qabto inuu wax ka qaban doono. Sidoo kale, waxa uu kaga hadlay xadhigga Suxufiyiinta Madaxa-bannaan ay Xukuumadda Siilaanyo kula kacdo oo uu tilmaamay inuu ka soo horjeedo Shuruucda Somaliland iyo ta caalamiga ah ee xorriyadda hadalka.
Haddaba, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Cabdillaahi-Jawaan oo Su’aal laga weydiiyey sida uu u arkayey Khudbadda Cabdiraxmaan-Cirro ka jeediyey Chatham House, ayaa ku jawaabay; “Waxaan u arkaa wax waajib ah, Nin kasta oo muwaaddin ah xilkasta ha hayo, Ninka Masuulka ahina waaba ka sii duwan tahay. Marka arrin caalam laga hadlayo wixii gudihiinna ah sida caadiga ah wixii dhalliil ah lama soo bandhigo, waxa la muujiyaa uun dhaadasho, waxa wanaagsan, waxaad qabsatay ee wanaagsan iyo waxa kaa dhiman. Laakiin, wixii boogo ah ee dalkaaga gudihiisa ah inaad dibedda u bandhigto maaha, cadawgaaga ayaa ku farxaya.”
“Midda kale, waxay muujinaysaa Dad bisil inaynaan ahayn. Markana gudahaaga weeye marna waa dibedda. Markaa, marka caalamka dibedda lala hadlayo gooni-gooni maaha, ee marka uu Khudbad jeedinayo wixii wanaagsan inuu bandhigo ayaa fiican. Anigu Cirro ma dhalliilayo, umana jawaabayo, Anigu Chatem House waxa weeyaan meelaha lagu faaqido ama lagu axadho Siyaasadda caalamka.” Sidaa ayuu yidhi Cabdillaahi-Jawaan.
Waxaanu La-taliye Jawaan oo jawaabtiisa sii watay, intaas ku ladhay; “Markaa, hore ayaan u sheegay oo Cabdiraxmaan-Cirro marka uu halkaa joogo xaq buu u leeyahay oo waa lagu casuumay, waxa weeye Guddoomiyihii Baarlamaanka (Golaha Wakiillada), Guddoomiye Xisbi, waa Musharrax Madaxweyne doonaya, oo waxa saaran masuuliyado badan oo weyn, markaa waxaa habboonaan lahayd wax dalka iyo dadka u dan ah oo Somaliland wax u taraya inuu halkaas kaga hadlo oo wixii innagu aynu isku tuurtuurayno uu dib u dhigto.”