Ugu yaraan 10 Qof, ayaa ku geeriyooday halka labaatameeyo kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax loo adeegsaday gaadhi uu ka dhacay, inta u dhaxeysa Guriga Hooyooyinka iyo dhismaha Tiyaatarka ee Magaalada Muqdisho.
Goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaa lagu baadhaa, Gaadiidka hor-mara Jidka Madaxtooyadda Soomaaliya.
Dad Goob-joog ahaa wakhtiga Qaraxu ka dhacay, ayaa Warbaahinta u sheegay waxay arkeen “Waxaan taagneyn meel u-dhow tiyaatarka, oo waxaan sugeynay in ciidanka ay na baadhaan, daqiiqado kama soo wareegin waxaa dhacay qarax xooggan oo na kala lumiyey.” Ayuu yidhi Qof ka mid ahaa Dadkii la socday Gaadiid taagnaa halka uu Qaraxu ka dhacay.
Dhinaca kale, Afhayeenka maamulka Goblka Banaadir, ayaa sheegay, in ugu yaraan shan ruux ay ku geeryoodeen qaraxa, inkasta oo Cisbitaallada la geeyay Meydadka Dadka Geeriyooday laga soo xigtay in Dadka dhintay yihiin Toban.
Dadka khasaaraha uu ka soo gaaray qaraxa, ayaa la sheegay in ay u-badanyihiin Askar iyo haween Qaad iyo caano ku iibiya goobta qaraxa uu ka dhacay.
Waxa la rumaysan yahay in Qaraxan lala damacsanaa Madaxtooyada Soomaaliya oo Xilliga Qaruxu dhacay ku mashquulsanayd ku dhawaaqidda Xukuumadda uu soo dhisay Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya, inkasta oo aanay jirin Cid sheegatay Masuuliyadda weerarkan, wallow loo tuhmayo Al-shabaab.