Somaliland: Iyo Dawladaha Imaaraadka Oo Kala Saxeexday Heshiiska Saldhiga Millatari Iyo Nuxurka 7 Qodobo

Date:

Dawladda Imaaraadka Carabta iyo dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dalka Imaaraadka ku kala saxeexday heshiiska saldhiga Millatari ee Berbera oo muddooyinkii u dambeeyey wadahadalkiisu socdeen.

Dhinaca Somaliland waxaa heshiiskan u saxeexay Sacad Cali Shire, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland halka dawladda Imaaraadkana uu u saxeexay Maxamed Al-suwaydi.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo heshiiskan gacantiisa ku saxeexay ayaa ka warbixiyey heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Imaaraadka Carabta waxaana uu sheegay inuu heshiiskani fure u noqon doono inay Somaliland ka mid noqoto beesha caalamka, Sacad ayaa halkas ka akhriyey qodobada heshiiska waxaana uu yidhi:

“Maanta (Shalay) oo axad ah oo ay bisha March tahay 19 2017-ka waxaa heshiis ku kala saxeexday magaalada Abu Dubai dawladda isu tagga Imaaraada Carabta iyo dawladda Jamjuuriyadda Somaliland, heshiiskaas oo koobaya iskaashi dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha dibadda kaasoo oo ku salaysan baarlamanka JSL ka soo baxay 12 Feberuar 2017, heshiisku wuxuu ka kooban yahay qodobadan:

1;-Dawlada Somaliland oo ogolaansho siisey in Ciidamada Dawlada Imaaraatka Carabtu isticmaalaan garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera.

2;-Dawlada Imaaraatka oo Madaar cusub ka dhisi doonta Magaalada Berbera kaasi oo ay isticmaali doonaan diyaaradaha Rakaabka iyo kuwa xamuulka, taasoo micnaheedu yahay inay Berberi yeelan doonto laba madaar

Dhismaha Jidka isku xidha Magaalooyinka Berbera iyo Wajaale oo dhererkiisu dhan yahay 250Km oo mashaariicda la hirgalinaayo ku jira.

Mashaariic kale oo la fulin doono iyana waxa ka mid ah Biyaha, Tamarta, Caafimaadka iyo Waxbarashada,

Mashaariicdaasi waxa la fulin doono sadexda sano ee ugu horeeya.

3: Dawlada Imaaraatka Carabta oo Suuqyadeeda shaqo u furi doonta Muwaadiniinta Somaliland

4: Dawlada Imaaraatka Carabta oo taageeri doonta in Shirkadaha Imaaraatka carabtu Taageeri doonaan in ay maal gashadaan Somaliland.

5: In Dawlada Imaaraatka iyo Somaliland oo iska kaashan doona dhinaca Amaanka.

6: Wuxuu heshiiskani Albaabo cusub u furi doonaa Somaliland iyo Beesha Caalamka.

7;-Ugu dambayn waxa kale oo labada dhinac isla garteen in Dawlada Imaaraatka Carabtu gar gaar deg dega gaadhsiiso dadka ku tabaaloobey abaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...