Wada hadalkii u socday dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ayaa la filayaa inuu wajigiisii Saddexaad ka furmo dalka Imaaraadka Carabta maalinka barri Ah oo taariikhdu tahay 21.March.2017.
Waxaana wararka nasoo gaadhayaa ay noo sheegeen in horjoogaha Kooxda Khaatumo iyo waftigii uu hogaaminayey ay saaka ka duulayaan garoonka Diyaaradaha dalka Jabuuti iyaga oo shalay gaadhay dalkaasi,waxaana ay waftigan u baxayaan dalka Imaaraadka Carabta oo loo qorsheeyey inuu ka furmo wajiga Saddexaad ee wada hadalada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.
Diyaaradda sidda waftiga uu hogaaminayo Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa la sheegay in ay cago dhigan doonto dalka Imaaraadka Lixda Maqribnimo ee caawa .
Waxaana sidoo kale magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta iyaguna ku sugan waftigii Somaliland uga qayb galayey wada hadaladan wajigiisii Saddexaad bilowga yahay,waxaana ku sugan dalka Imaaraadka madaxwayne ku xigeenka Somaliland iyo wafti wasiiro ah oo ka socda Somaliland kuwaas oo dalka Imaaraadka u tagay heshiiska saldhiga Milateri ee Berbera laga bixiyey.
Gabagabadiina wada hadaladan ayaa la filayaa inay furmaan maalinka Barri ah,waxaana la filayaa inay wajigan kasoo baxaan qodobo ka duwan kuwii hore kuwaas oo dabar u noqon doona dagaalada is daba jooga ah ee khasaaraha sababa ee ka dhaca gobolada Bariga Somaliland,waxaana ay bulshadu u wada dhag taagaysaa natiijada kasoo baxda wada hadaladaasi.