Weftigii Somaliland u Matalayay Shirka Istabuul Oo Joojisay Inay la Kulmaan Ergadii Soomaaliya

Date:

Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya ee lagu waday inuu maanta ka furmo magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa baaqday, isla markaana aan furmin, ka dib markii Ergadii Somaliland ay gaashaanka ku dhufteen inay la fadhiistaan Soomaaliya haddii aanay xubnaha shirka u matalaya ka saarin afar xubnood oo ka mid ah ashkhaasta Somaliland ka caasiyowday oo ka mid ah ergada dawladda Muqdisho.

Siday ilo wareedyo Istanbuul ku sugani noo caddeeyeen, Weftiga Somaliland ayaa Nidar ku maray in aanay Soomaaliya la fadhiisanayn haddii aan deg-deg loo soo bedalin xubnaha asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ee u shaqo tagay Soomaaliya, arrintaasi oo noqotay ta dib u dhigtay furitaankii shirkaasi.
Xubnaha weftiga Soomaaliya waxa lagu soo daray afar xubnood oo ka soo kala jeeda Awdal, Sanaag bari, Sool iyo Barriga Burco.

Weftiga Somaliland oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa gabi ahaan-ba joojiyay inay xataa Salaan ku kulmaan weftigii Soomaaliya illaa laga saarayo afartaas xubnood.
Somaliland waxay Tallaabadan ku macnaysay in tahay calaamad muujinaysa in Soomaaliya ay doonayso inay carqaladeyso wada hadallada u socda labada dal.

Wada-hadaladii ugu dambeeyay ee labada geesood ku yeesheen Jabuuti 26-kii illaa 27-kii December ee kal-hore waxay ku heshiiyeen in kulamada dambe ay ka wada hadlaan mawduucyadda waaweyn ee masiiriga ah iyo in la fuliyo qodobbadii hore loogu heshiiyay oo ay ka mid tahay maamulka hawaddu.

Weftiga Somaliland waxay miiska soo dhigayeen inay taxaan qodobbada Soomaaliya uga war-wareegayso inay ku camal fasho heshiisyada labada dhinac kala saxeexdeen.

“Annagu diyaar uma nihin mana ogolaanayno dad Somaliland ka soo jeeda oo Xamar tegay lamana fadhiisanayno. Somaliland xuduud cayiman ayey leedahay oo ah dhulkii Ingiriisku haysan jiray, markaa wixii dhulkaas u dhashay ee reer somaliland ah annagu shirkan la fadhiisan mayno, waxaanu la fadhiisanaynaa dadka ah dhulkii Talyaanigu haysan jiray ee Soomaaliya la yidhaa haddana aanu doonayno inaanu laba waddan oo kala gaara oo kala ambabaxa u wada hadalno,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi oo maanta u waramayay BBC-da.

Waxa kale oo weftiga la shir tageen inay badka soo dhigaan in qadiyadda madax-banaanida Somaliland ay tahay muqadas aan gorgortan geli Karin. Halka Soomaaliya iyaduna ay u xusul duuban tahay inay ajandaheeda ku soo darto wixii la odhan jiray “Midnimadii Soomaaliya” ee calankeedu dhacay.

Weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayo Wasiirka Khaarajigu waxa xubno ka ah Wasiirrada Xanaanada Xoolaha, Madaxtooyadda, Beeraha, Duulista hawadda, Guddoomiye-ku xigeennadda koowaad ee Goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtidda, Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha dibadda ee Golaha iyo xubno kale.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...