Somaliland: “Aniga Saddex Nin Ima Qabaan, Ninka Boqorka Ah Ee Yidhi; ‘Waa Naagtaydii’ Waa Beentii, Qofna Xidhiidh Lama Lihi..”

Date:

Xildhibaan Huda Axmed Cali

Xildhibaan Huda Axmed Cali oo ka tirsan Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana ka soo jeedda Gobolka Sanaag ee Somaliland oo dhawaan ay soo baxeen Warar sheegaya in Saddex Nin Qabaan oo isku haystaan Naagnimada Gabadhaas, ayaa beenisay jiritaanka Wararkaas oo Baraha Bulshada iyo Shabakadaha Wararka qarkoodba lagu baahiyey.

Waxay Xildhibaan Huda Sheegtay inaanay jirin saddex Nin oo Qaba, saddexda Nin ee mid waliba sheegay inay naagtiisii tahayna aanay mid mooyee garanayn-ba kuwa kale, wax xidhiidh ah oo dhex-marayna jirin. Ka ay garanayso ayey ku sheegtay inuu yahay Boqor Maxamed Jaamac oo Madax-dhaqmeedka beesheeda ka tirsan, isla markaana ah Odaygii soo qoray in Xubin Baarlamaan loo doorto. Waxaanay arrintaas kaga hadashay mar ay Muqdisho ugu warrantay qaar ka tirsan Warbaahinta Soomaaliya.

“Aniga oo Xildhibaan Huda Axmed Cali ah, waxaan caddaynayaa inaan waxba ka jirin Beenta iyo Borobagaantada lagu baahiyey Baraha Bulshada ee ah in Saddex Nin I qabto. Waxaa Been-abuurkaa baahiyey Odaygii aniga I soo qoray oo ah Boqor Maxamed Jaamac oo doonaya inuu Kursiga aan ku fadhiyo iibsado, waa wax u caado ah oo uu samayn jiray illaa 2012-kii, waxaanu doonayaa inuu Kursiga iibsado. Aniga Cuqaashaydii, Eheladaydii iyo Qaraabadaydiiba way wada joogaan.” Sidaa ayey tidhi Xildhibaan Huda.

Xildhibaan Huda Axmed Cali waxay intaas ku sii ladhay oo ay tidhi; “Aniga waa la I yaqaannaa, Isagana waa la yaqaannaa inuu yahay Dillaal. Waxaanan caddaynayaa in waxaa uu sheegayo ee uu Shabakadaha iyo Baraha Bulshada ku baahiyey aanay waxba ka jirin ee ay Been iyo Borobagaando tahay. Dillaal Guryaha Kireeya ayaa la arki jiray oo Guriga intuu cid ka saaro cidda uu rabo ka kireeya, Laakiin Oday Kursiga Beeshiisa maalinba qof ka kireeya isagaa ugu horreeyey.”

Mar la weydiiyey Saddexda Nin ee sheegaya inay Qabaan inuu ku jiro Qof ay xidhiidh leeyihiin Xildhibaan ahaan, waxay ku jawaabtay; “Maya! Qof aan Xidhiidh la leeyahay ma jiro. Midna ima qabo. Isaga (Boqor Maxamed Jaamac) baa ka koow ah Nimankaas, oo leh Anigaa Naagta Qaba, inuu Been sheegayana waxaa caddaynaysa inuu isagu koow ka yahay oo uu leeyahay; ‘Anigaa Odaygeedii ah Xildhibaanka oo Naagta ka qaba’.”

Xildhibaan Huda waxay sheegtay inay Odayaal Beeshooda ah u dirtay oo ay la Hadleen Boqorka ay eedaysay, isla markaana waxay sheegtay inuu ku dooday Boqorku inuu Kursiga Lacag ku haysto oo uu Dad kale fadhiisinayo sida ay hadalka u dhigtay, waxaanay intaas ku ladhay in Afar Xildhibaan oo iyada ka horreeyey oo ay isku Beel yihiin uu Boqorku arrintan oo kale kula kacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...