Murashaxa XISBIGA Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo martiqaad casuumadeed ku jooga Dalka Ingiriiska ayaa khudbad taariikhiya wuxuu ka jeediyay aqalka caanka ah ee lagu falanqeeyo Siyaasadda adduunka ee Chatam House.
Mud. Cabdiraxmaan Cirro ayaa markii Guddoomiyahii shirka hagaayay ku soo dhaweeyay minbarka wuxuu jeediyay khudbad qaadatay muddo 30-daqiiqo ah. Khudbadaas wuxuu kaga hadlay tariikhda Jamhuuruyadda SOMALILAND, wixii ay qabsatay, nidaamka iyo dawladnimada ka jirta hanaanka Dimuquraadiyadda oo ay SOMALILAND tusaale ugu tahay guud ahaan Geeska Afrika gaar ahaan Gobolka Bariga Afrika.
Sidoo kale wuxuu Guddoomiye Cabdiraxmaan siweyn khudbadiisa ugu dheeraaday abaaraha soo noq-noqday oo saamayn weyn ku yeeshay nolosha dadkii Xoolaha dhaqatada aha oo kuwaas oo ah dhaqaalaha ugu weyn ee nolosha Shacbiga SOMALILAND ku tirsantahay iyadoo hadda ay marayso halkii ugu xumayd oo dadkii dhimanayaan, isagoo ka digay haddii Beesha caalamku ka gaabiso gurmad deg deg ah oo loo fidiyo dadka abaartu tabaalaysay ay ka dhalandoonto masiibo bini-aadanimo.
Geesta kale wuxuu Guddomiyuhu khudbadiisa ku soo qaatay heshiisyada SOMALILAND iyo Imaraadka ee Dekada Berbeda & Saldhiga Millatari isagoo hoosta ka xariiqay inay SOMALILAND waddan ahaan xaq u leedahay inay Dalalka adduunka heshiisyo la gasho maalgashina lagu sameeyo, balse ay Xukuumadda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo siweyn isugu khilaafsan yihiin dariiqa loo maray heshiisyadaas, oo uu sheegay in aan wax heshiis dhab ah la keenin Golaaysha Baarlamanka madmadaw badana ku geedaamanyahay, sidaa daraadeed XISBIGA uu Hoggaamiyo ee WADDANI ka qaatay mawqif oo ah in ummadda SOMALILAND runta loo sheego si daah furnaan ahna loo soo bandhigo heshiiska Dhabta ah ee Xukuumaddu gashay taasina aanay wali dhicin .
Khudbada Murashaxa XISBIGA WADDANI ee Chatam House wuxu sidoo kale ku soo qaatay doorka Saxaafadda SOMALILAND ka soo qaadatay dibudhiskii Waddanka iyo nabadayntii, sidoo kalena Distoorku damaanad qaadayo xorriyada xuquuqda hadalka taas badalkeedi wuxu sheegay inay xadhig badan la kulanto saxaafaddu iyagoo gudanaaya wajibaadkooda shaqo, waxaana ugu danbeeyay ayuu yidhi Xadhigii Agaasimaha Telefeeshinka STAR Maxamed Baashe Xaji Xasan iyo Mulkiilaha Telefeeshinka UNIVERSAL Eng: Abokor Mahdi oo Xabsiga Xukuumaddu u taxaabtay, halka Xisbiyadda Mucaaridka ahna layska hortaagay kulamada ay Huteelada ku qabsanayaan oo ay ugu danbaysay dhacdadii Huteelka Maansoor
Qabsoomida doorashooyinka oo dibudhac badan ku yimaadeen masuuliyada qabsoomida doorashada iyo hirgalinta Dimuquraadiyaddana ay Xukuumadda saarnayd, maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa, qorshaha XISBIGA WADDANI Dalka ku hagaayo hadduu doorashada ku guulaysto ayaa iyana kamid ahayd khudbada Gudoomiyaha .
Markii uu khudbada dhammeeyay Mud. Cabdiraxmaan Cirro waxa la waydiiyay su’aalo tiro badan oo loo qaybiyay Saxaafadda Caalamka Mida Soomalida iyo dadkii ka soo qayb galay kulankaas oo isugu jiray, SOMALILAND, Somalia iyo diblumasiyiin caalamiya . Kuwaas oo uu dhammaantood ka jawaabay, waxaana ugu badnaa su’aalaha la waydiiyay, Musuq-maasuqa, heshiiska DP Wold iyo Saldhiga Milllatari ee Berbera, Saxaafadda iyo madaxbanaanideeda, qorshaha XISBIGA WADDANI haddii uu tallada SOMALILAND qabto iyo Waxa uga meelyaala arrimaha ay hadda Xukuumadda ku dhaliilayaan, goorta uu ka degaayo Xilka jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka, dibudhaca doorashooyinka iyo niyad jabka saxibadii SOMALILAND, wadahadaladii u socday Somaliland iyo Somalia. Waxa kulanka Chatam House ee Mud. Cabdiraxmaan Cirro kudhabada ka jeediyay ka soo qayb galay sidoo kale Ganacsato iyo Wakiilka Jamhuuryadda SOMALILAND u fadhiya Dalka Boqortooyadda Ingiriiska Ayaan Cashuur.
Intaas ka dib waxa Murashaxa XISBIGA WADDANI Cabdiraxmaan Maxamdd Cabdillaahi waraysiyo gaara la yeeshay Telefeeshinada ITV News iyo BBC World.