War Deg Deg Ah: Xugu KKu Danbeyey Markabkii La Afduubtay Balse Lacag Inta Lag Ayay Madax Forasho,,,

Date:

Koox hubeysan ayaa xeebaha Soomaaliya ka qafaashay markab sida shidaal sida maalintii Isniintii ayaa waxaa ay dalbadeen Lacag madax furasho ah , sida uu shaaciyay hawlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda.

Maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa xidhiidh la sameeyay ragga hubeysan ee afduubtay markabaasi oo lagu magacaabo Aris 13 waxaan mgaamusha shirkad fadhigeeedu yahay Imaaraadka Carabta.

Burcad badeeda ayaa la sheegay inaysan wali faahfaahin ka bixinin inta ay dhantahay ama ay leeg tahay lacagta madaxfurashada ah ee ay dalbanayaan.

Waa afdiuubkii ugu horreeyay oo ka dhaca xeebaha Soomaaliya tan iyo sanaddii 2012-kii.

Markabkan oo ka soo shiraacday Jabuuti ayaa ku socday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho markii uu diray qayladhaan isagoo sheegay in doomo xawaare sare ku socdo ay ku soo socdaan. Wixii intaa ka dambeeyayna qalabka lagula socdo dhaqdhaqaaqa markabka ayaa la damiyay.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Sri Lanka ayaa xaqiijisay in 8 qof oo u dhashay dalkaasi ay saarnaayeen markabkaasi.

Dableyda markabka afduubtay ayaa masuuliyiinta deegaanka u sheegay inay yihiin kalluumaysato qalabakii ay kalluunka ku jillaabanyeen ay ka burburiyeen doomo waaweyn o si sharci darro ah uga jillaabta xeebaha Soomaaliya.

Cali Shire Maxamed Cusmaan oo ah guddoomiyaha degmada Caluula oo u dhaw goobta lagu hayo markabka la qafaashay ayaa BBC-da u sheegay inuu isku dayayo inuu ogaado in dableydani ay dhab ahaantii yihiin kalluumaysato ama burcad badeed abaabulan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...