Wasiir Iyo Saraakiil Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Oo Goor Dhaweyd Shil Gaadhi Galay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

Wasiir ka tirsan xukuumada Madxweyne Siilanyo iyo laba sarkaal oo ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa waxaa ay goor dhaweyd ku dhawaacmeen shil gaadhi.

Masuulyiintan ayaa waxaa ay kala yahiin Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed , xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye Xassan Siciid Yuusuf iyo Siyaasi Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro).

Shilkan gaadhi ayaa waxaa uu ka dhacay deeganka biyo Shiinaha halkaaso oo uu madaxweyne ku xigeenku ku tagay Kormeer uu ku soo indho indheynaayey biyo baaladhinta Caasimada Hargeysa waxaana wararka soo gaadhaya Shabakada wararka ee Somalilandtoday.com ayaa sheegaya in dhaawaca masuuliyiintaasi yahay mid sahlan isla markaana lagu soo wado Cisbitalka Guud ee magaalada Haregysa .

Masuulyantan ayaa waxaa la sheegayaa in ay wada saarnaayeen hal gaadhi

Comments

comments