Somaliland: Xukuumadda Oo Golaha Wakiillada Uga Digtay Inay Ansixiyaan Xeerka Baananka Ganacsiga, Ee Culimadu Sheegeen Inuu RIBO Banneynayo

Date:

Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Xeerka Baananka Ganacsiga, kaasi oo Golaha Wakiilladu doonayaan inay Ansixiyaan, laakiin Culimadu sheegeen inuu Banneynayo Ribo.

Wasiirka Diinta oo Shalay ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in ILAAHAY sheegay inuu Dagaal la gelayo Addoomadiisa ku shaqeysta Ribada, sidaas darteed wuxuu Golaha Wakiillada iyo Cid kasta oo hawsha Xeerkaa wadda ka waaniyey in Xeerkaa la ansixiyo.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Golaha Wakiillada iyo Cid kasta oo I maqlaysa waxaan leeyahay ILAAHAY wuu innooga digay Ribada. ILAAHAY wuxuu inoo sheegay inuu baa’biinayo Ribada, markaa waxaanu doonaynaa in Cid kasta oo ku hawlan inay Ribadaa Ummaddaa ka ilaaliyaan.”

Wasiir Khaliil waxa kale oo uu sheegay, “Abaarahan wax ka sii weyn baa iman doona (Haddii la ansixiyo Xeerka Baananka Ganacsiga), Waayo? ILAAHAY wuxuu leeyahay Dagaal baan idiin iclaamiyey haddaad Ribadaa ku Mucaamilootaan, Dastuurkuna wuu Caddeeyay Ribadu inay tahay Shay aan Bannaaneyn.”ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...