Magaalada Moqdisho ee xarunta dalka Somaliya ayaa waxaa goor dhaweyd ka dhacay qarax xoogan oo loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay
Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Wehliye ee magaalada Muqdisho, qaraxa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sida aan Wararka ku heleyno qaraxa ayaa haleelay gaadhi nooca loo yaqaan Hilux oo yaalay afaafka hore ee Hotelka Wehliye, gaadhiga ayaa la sheegay in uu lahaa Wasiirka Kaluumeysiga Maxamed Cumar Ceymoy , waxaana wararku sheegayaan in Wasiirka uusan xiligaasi gaariga saarneen.
Qaraxa ayaan wali la ogeyn in bartilmaameedkiisu ahaa Hotelka Wehliye iyo in lala damacsanaa gaadhiga uu lahaa Wasiirka Kaluumeesiga , mana jiro ilaa hada wax faah faahin ah oo masuuliyiinta dowlada ka bixiyeen qaraxaasi.
In ka badan 8-qof oo u badnaa dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Wehliye, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad kale oo badan kuwaa oo xarumaha caafimaadka loola cararay.