Muuqaalo laga soo duubay Shaqaalaha Dekeda Berbera ee shalay Mudaharaaday ayaa waxa ay Xukuumadda ugu baaqeen inay soo kala dhex gasho iyaga iyo Maamulka Cusub ee Shirkada Dp-World ee Dekeda lagu wareejiyay,Waxa ay ku hanjabeen in haddii ay Xukuumaddu 24-Saacadood gudahood waxba kaga qaban waydo ay gacantooda maali doonaan oo ay dagaal jihaad ah la gali doonaan Masuuliyiinta Shirkada gaar ahaan Maareeye Cusub oo shirkadu keensatay,kaasi oo ay sheegeen inuu ugu hanjabay inuu Shaqaale cusub ka keeni doono Dubai hadii ay u hongaasami waayaan Shuruuc iyo nidaam cusub oo uu ku soo rogay oo ay saluugeen.
Waxa hadaladooda ka mid ahaa “Saaka Markii aanu tagnay Shaqada,Waxaanu ku nidhi Maareeyihii Carabka ahaa Waxaanu doonaynaa Lacagtii Koontiinarka ee aanu xaqa u lahayn,Waxa uu nagu yidhi Shaqo idiinma hayno,iskana dareera,Shaqaale ajanib ah ayaanu keensanaynaa ayuu noo raaciyay,Markaa Waxaanu leenahay Dawladu haddii ay 24-Saacadood Gudahood haddii ay ku soo jawaabi waydo waxaanu samayn doonaa Talaabo adag oo ka dhan ah Dp-World” Mid kale ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Dhamaan dadkan aad arkaysaa waa dhalinyaradii ka shaqayn jirtay Dekeda Weyn ee Berbera,Siiba Waaxda Farsamada loo yaqaan,Qaar waa Santareeladii,Kuwani waa Kaalbaradii,Waa wiishashkii,Cagafyadii,Havy-Dut-gii oo dhan,Iyo Lifteriskii,Waxana naqabsadayna waa Carab iyo Dahabshiil,haddii ay Xukuumaddu 24-saacadood Wax kaga qaban Waydo,Dib ayaanu carabtaa uga qabsanaynaa, Markaa Berbera anaga ayaa yeelan doona oo qof islaam ahi soo gali maayo”.
Wiil kale oo aad u cadhaysnaa oo ka mid ahaa Mudaharaadayaasha ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “in badan ayaanu la soo jiifnay Dekeda Bebera jab iyo Hiidaad walba,Maantana Carab ayaa la keenayaa Waxaanu aqbali karno maaha,Dadkii Alle halkani ku beeray ayaanu nahay,Maanta nama-qabato Dekeda Jamaal Cali ee Dubai ayaanu shaqaale ka keensanaynaa, nimaan Muwaadin ahayn Intuu maanta halkaasi intuu noogu yimaado oo uu noogu hanjabo Xaq nooguma laha,Dawladda ka kiraysay anaga noomay iman,nalamay hadal,Maarayahayagii Wali Xaska ayuu kujiraa,Dagaal ayaanu ka xignaa,imika inaanu guryahooda ugu dhacno oo aanu halkaasi kuwada layno ayaan xaq nagu ah”.
Ugu Dambayn“saaka(Shalay) Shir ayaanu ku lahayn Xafiis Xaga dambe kuyaala,Ninka layidhaa Ibraahim Xammaadi,oo ah Maareeyaha Dp-World,Waxa uu nagu yidhi “Milyan iyo Shan boqol haddaydaan noogu shaqaynaynin,adeer iska baxa,Kuwo Dubai jooga ayaan uyeedhanayaa, Dawlada waxaan kula soo heshiiyay ajaanib inay igula shaqeeyaan sidaasi,Jamaal Cali ayaan shaqaale uga yeedhanayaa,waad iska dareeraysaan,Madaxweynaha Waxaanu u sheegaynaa Haddii Cabashadayadaasi waxba ka qaban waayo inaanay Dp-World-na halkaasi joogayn”. Ayuu yidhi ninkani isaga oo aad u kacsanaa.
Somaliland: Shaqaalaha Dekedda Oo U Hanjabay Dp-World “Maareeyaha Cusub Ee Dp-World, Wuxuu Nagu Yidhi “Milyan Iyo Shan Boqol Haddaydaan Noogu Shaqaynayn, Adeer Iska Dareera
Date: