Somaliland: Gudoomiye Cirro Oo Ugaraabay Shaqaalaha Dekeda Berbera Ee Shalay Mudaharaaday, Walaacna Ka Muujiyay

“Hadday Xukuumaddu Hawsheedii Gabto Waxa Laga Yaabaa In Halkaas Muran Iyo Dagaalba Kayimaado”….. Guddoomiye Cirro

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Ahna Musharaxa Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa walaac ka muujiyay Hanaanka loo Maray wareejinta Dekeda Berbera,Waxa uu Xukuumadda Ku eedeeyay buuqa iyo Qaylada ka soo yeedhaysa Shaqaalihii Dekeda Berbera oo uu Sheegay in Doorkii Xukuumaddu meesha ka maqan yahay oo ay ahayd, sida uu hadalka u dhigay inay dhex dhexaadiso maamulka Dp-World iyo Shaqaalahan oo aanay ka dhex Bixin,Waxa kale oo uu ka hadlay Sixir bararka iyo halka uu ku dambeeyay Qorshihii Sarifka Halka Dollar ee 7000-Kun ee Xukuumaddu waday ee Fashilmay.
Gudoomiye Cirro oo Waraysi Khaas ah siiyay Wariye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan Tv-ga Caalamiga ah ee Horn Cable ayaa Waxa hadalkiisa ka mid ahaa Gudoomiye Cirro“Xukuumadda ayaa laga rabay inaanay isku siidaynin,maadaama,oo ay wareejinayso Dekedda, ama Wareejisayba,anagu Warsugan kama haynee,In Muwaadiniinta Reer Somaliland,ay helaan wixii ay Xuquuq u lahaayeen,Shaqada in Nidaam loo sameeyo ayay ahayd,Markaa Wixii Gaf ah Ee lagu Sameeyo Shaqaalaha,Xilku Waxa Uu Saaran Yahay Inay Xukuumaddu Hagaajiso,Markaa Haddii Ay Hawsheedii Gabto Waxa Laga Yaabaa In Halkaas Muran Iyo Dagaalba Kayimaado” ayuu Yidhi Gudoomiye Cirro.
Waxa uu sidoo kale Ka hadlay Sixir bararka iyo abaaraha Xadhka goostay ee ragaadiyay Shacabka Somaliland iyo awooda darada doorkii Xukuumaddu ku lahayd gurmadka Abaaraha,Waxana uu yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaya “Xukuumadda ayuu maanta xilku saaran yahay,Iyada ayaa xilka haysa,Gurmadkeedu waa yar yahay,Dhawaaqeedu waa yar yahay,Waxay ku mashquushay in WADDANI loo jawaabo,markaa waa inay Xukuumaddu Xilkeedii gudato,oo Gurmad gasho,Arinta sixir bararka,Xukuumaddu xalkii ay tidhi waan sameeyay muu shaqaynin,Todoba kun ayay ku jirtay Sixirka,TV-yada ayaan maalin dhawayd ka maqlayay Hooyooyin aad u cabanayay oo sagaalkun iyo Tobankun ayuu marayaa lahaa,markaa xalkaasi hore wuu fashilmaye,xal kale oo lagu xakameeyo hala timaado”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo waraysi khaas ah Shalay Xafiiskiisa ku siiyay Wariye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan telefishanka HCTV oo arrintaasi wax ka waydiiyey.

Comments

comments