Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani isla markaana ah musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi waxaa uu goor dhaweyd isaga ka hadley mudaharaad saaka ka dhacay magaalada Berbera , Xeerka muranka dhaliyey ee Bananka iyo ujeedka safar uu ku tagi doono dalka Ingiriiska.

Musharax Cabdiraxmaan Ciro oo wareysi gaar ah siiyey Saxafi Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan Telefishanka HCTV waxaa uu sheegay in ay xukuumadu isku sii deysay shaqaliihi dekada iyo shirkada la wareegtay kaas oo sababey mudaharaadka saaka , xukuumadana looga baahan yahay in waxii gaf ah ee shaqaalaha lagu sameeyo ay ka qabato

Sidoo kale Muddane Ciro ayaa waxaa u sheegay in uu martiqaad rasmi ah uu ka helay guriga lagu falanqeeyo arimaha siyaasada ee Chatom house isla markaana uu dhawaan halkaasi tagi doono kagana hadali doono arimaha Somaliland

Cabdiraxmaan Ciro waxaa uu sidoo kale carabka ku dhuftey in xukuumadu golaha wakiilada u soo gudbisay isla markaana aanu golahaasi ansixin doonin waxii ka hor imanaaya sharciga diinta islaamka

Dhinca kale Cabdiraxaan Ciro waxaa uu xukuumada ku eedeyey in u adeegidii bulshada ay abaaruhu ku dhufteen ay ka gaabisay oo ay kaga mashquushay u jawaabida xisbiga Waddani