Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo oo wasiirka Arrimaha Dibeda ka joojiyey safar koox wasiiro ah ku tagayso Dalka Imaaraadka

Date:

Waxa weftiga oo Heshiiska Madaarka u tagaya uu raaciyey Wasiiry-dawlaha Arrimaha Dibeda

wefti wasiiro ah oo u ambabixi lahaa Dalka Imaaraadka oo loo xayiray Imaansha madaxweyne Siilaanyo ayaa labada maalmood ee soo socda tagi doona magaaladda Dubai, halkaas oo ay ka soo fulin doonaan wadahadaladii saldhiga Milatari ee madaarka Berbera.

Weftigan oo maalmahan ba la hadal hayey ayaa waxa soo if-baxaya in xukuumaddu ay ka reebtay wasiirka Arrimaha Dibeda Sacad Cali Shire, kaasoo halkiisii la galiyey Wasiiru-dawlaha wasaaradaasi Mixile Boqore,

Wasiirka Arrimaha Dibeda Sacad Cali Shire ayey maalin dhaweyd saxaafadda qaarkeed qoreen in uu diiday in uu safarkan raaco, iyadoo lala xidhiidhiyey Diidmadda uu ka muujiyey Heshiiska Milatari ee Madaarka Berbera.

Hase yeeshee, warar kale ayaa sheegaya maadaama aanu ku qanacsanayn Heshiiskan in uu Madaxweynuhu go’aansaday in uu wasiiru-dawlaha u diro, taasoo ay dad badani hadal hayaan in ay talaabadan hordhac u tahay in aanu wasiir sacad sii joogi doonin kursiga.

Ma cada wasiir sacad goorta uu go’aan ka qaadan doono khilaafka soo jiitay ee u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha. sidoo kale lama garanayo goorta uu Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...